Ha Ilaabin Qofka Wanaagga Ku Sameeya!

0
233

Nin ayaa maalin maqlay inuu jiro nin caqli badan oo xakiim ah oo wax kasta oo la weydiiyo ka jawaabaya, aad ayuu ula yaabay sida taasi ku dhici karto.

Goobtii ninka loogu tilmaamay ayuu tegay ka dibna waa uu la fadhiistay , waxaan uu ku yidhi “ waan maqlay inaad tahay xakiim maskax badan, laakiin waxaan doonayaa inaad su’aal iiga jawaabto”.  Ninkii caqliga badnaa ayaa ku yidhi “  waa sax, waan isku deyi inaan jawaabo”.

Ninkii ayaa ku yidhi “ Waxaad ii sheegta arimaha ay tahay inay dadku weligood xusuusnaadaan, iyo kuwa ay tahay inay mar walba ilaabaan oo xusuusta ka saaraan?

Ninkii xakiimka ahaa ayaa ku jawaabay “  Qofkii wanaag kuu sameeyaa weligaa ha ilaabin, qofkii adigu aad u samaysay wanaagna weligaa ha xusuusan iska ilow”

Leave a Reply