Sirta Guushu Waa Khibradda!

0
359

Dhibtaada ugu halista badan ee qof ku dhacdaa, waa isagoo male xun naftiisa ka aamina.

Dad badan ayaad ka maqlaysaa kelmadahan: ma Awoodo arinkaasi, ma Karayo, xitaa hadaan sidaa yeelo waan qaldamayaa, waan Fashilmayaa.

Kelmadahaasi waxay  ka khatar badan yihiin dagaal foolka-fool ah oo hub iyo rasaas la isu adeegsado. Isku dey inaad warqad iyo qalin soo qaadato ka dibna aad qorto wax kasta oo aad hore u tidhi ma awoodo, kuna hoos qor waan awoodaa; naftaadana ku kalsoonow.

Horaa loo yidhi “ Arrin kasta wuxu ku bilowdaa yaraan, ka dibna wuu koraa oo weynaada ilaa Masiibada mooyee. Iyadu waxay ku bilaabantaa weynaan ka dibna way yaraataa”.  Shay kastaana marka uu bato wuu jabaa oo rakhiis noqdaa , edebta mooyee, iyadu way qaaliyowdaa”. Dadaal, sabir oo sug guusha.  Sirta guusha lagu gaadhaa waa inaad qaadato go’aanka saxda ah, go’aankasaxda ee ku guusha ku haboona waxa uu ka dhashaa waayo aragnimada ad leedahay. Khibaradda iyo waayo aragnimad aad go’aanka saxda ah ku gaadhayn waxa ay ka dhalaty go’aanadii khaldanaa ee aad hore u gaadhay. Weligaa ka faa’iidayso casharada guuldarad eek u soo maray si aad u fahanto sirta iyo dariiqa guusha lagu gaadho.

Ha quusan oo ha wahsan wakhtiga aad ku jirto wadada guusha, waayo iyadaa u baahan sabir xoggan iyo in la sugo farajka.  Ma jirto arrin lagu gaadho si fudud.

”. Rasuulka Allah (scw) wuxuu yidhi: “ Cibaado waxa ugu fadli badan: farajka oo la sugo” Waxa weriyay Tarmadi.

Carabtuna waxay tidhi: “ Xadhigu markuu adkaado, ugu danbaysta wuu go’aa”, oo loola jeedo, arimuhu marka ay adkaadaan waxaad sugtaa waa farajkii Allah (sw) iyo albaab ka furma.

Guushuna waa go’aanka saxda ah ee ka dhasha waayo argnimada ay sababtu guuldaradu.

 

 

Leave a Reply