Juventus oo Danaynaysa Timo Werner ama Anthony Martial, Haddii ay Weydo Saxeexa Morata

0
219

Kooxda Juventus ayaa u aqoonsatay Alvaro Morata inuu yahay waax ka maqan kooxdeeda si ay u dhamaystiraan qaab ciyaareedka cusub ee weerarka, Kooxda Serie A-da ayaa u jeedsan  doonta Martial ama Werner haddii heshiiska Morata uu burburo.

Juventus ayaa u baydhi doonta raadinta xidiga reer Chelsea ee Timo Werner ama laacibka Manchester United ee Anthony Martial haddii ay ku guul-daraystaan heshiiska bartilmaameedka ugu weyn u ah ee Alvaro Morata, sida laga soo xigtay Sky Italy.

Tabobaraha Juve Max Allegri ayaa u aqoonsaday xiddiga reer Spain inuu yahay booska ka maqan si uu u dhameystiro weerarka cusub ee Dusan Vlahovic iyo Angel Di Maria.

Leave a Reply