Wasaaradda Ciyaaraha iyo Xidhiidhka Kubadda oo Boorama ka Furay Horyaallada Heerarka 1aad iyo 2aad Gobolka Awdal

0
352

Agaasimaha guud ee wasaaradda dhalinyrada iyo Ciyaaraha Cabdirashiid Caydiid Yaasiin oo uu weheliyo Guddoomiyaha xidhiidhka kubadda cagta Somaliland Fu’aad Axmed Cali ayaa magaalada Boorama si wada-jir ah uga furay horyaallada heerka koowaad iyo heerka labaad ee gobolka Awdal.

Garoonka Xaaji daahir staduim ee magaalada Boorama ayay masuuliyiinta ugu sareysa wasaaradda ciyaaraha iyo xidhiidhka kubadda cagta Somaliland ka fureen horyaallada heerka 1aad iyo 2aad ee gobolka Awdal oo ay horyaalkiiba ka qaybgalayaan siddeed kooxood.

Tartanka horyaallada gobolka Awdal ayaa ah markii labaad ee noociisa oo kale lagu qabto magaalada Boorama.

Furitaanka tartanka horyaallada heerarka koowaad iyo labaad kooxaha gobolka Awdal ayaa ka mid ah tartamada kala duwan ee ay wadaan wasaaradda ciyaaraha iyo xidhiidhka kubadda cagta Somaliland.

Leave a Reply