Somaliland oo War ka soo Saartay Ajaanibka Dalka ku Sugan

0
445

Hargeysa(Dawan):-Dadka ajaanibta ah ee ku sugan gudaha Somaliland, isla markaana aan haysan sharciga ayaa loo qabtay in muddo 20 cisho ah ay kaga baxaan dalka.

Qoraal rasmi ah oo ka soo baxay taliska ciidanka socdaalka Somaliland ayaa lagu faray cid kasta oo ajaanib ah isla markaana aan dalka ku joogin sifo sharci ah in ay muddo 20 cisho ah gudahood dalka kaga baxaan, hadii ay u hoggaansami waayaan amarka la farayna in tallaabo sharci ah laga qaadi doono.

Waxa farriin gaara loo diray shirkadaha, ganacsatada iyo hay’addaha, iyada oo lagu amray in aanay cid aan haysan ogolaanshiyaha dal ku joogga in aanay la sii shaqayn karin.

Qoraalka ka soo baxay taliska ciidanka Socdaalka,ayaa u dhignaa sidan .”Taliska Ciidanka Socdaalka Jamhuriyadda somaliland wuxuu ku wargalinayaa Ajaanibka sifo sharci darro ah ku jooga dalka Somaliland in ay kaga baxaan muddo labatan (20) cisho ah oo ka bilaabma 28/07/2022 ilaa 17/08/2022.

Sidoo kale waxaa lagu wargalinaya shirkadaha, hay’addaha iyo ganacsata ay ka hawl’galaan shaqaale ajaanib ah, in ay ka shaqeeyan oo qudha ajaanibka haysta dalkujoog sax ah (Visa ama Qaxoonti).

Waxaa looga digaya goobta ganacsi, shirkad ama hay’ad ee lagu helo shaqaale bilaa sharci ku jooga dalka Jamhuuriyadda Somaliland oo ka shaqeenaya, in laga qaadi doona talaabo sharciga waafaqsan mulkiilaha goobtaas.

Leave a Reply