Dawladda Faransiiska oo ka Hadashay Qadiyadda Aqoonsiga Somaliland

0
443

Paris-(Dawan):-Dawladda Faransiiska ayaa ka hadashay qadiyadda Aqoonsiga Somaliland ka dib kulan ay la yeesheen Wefti ka socda Somaliland oo dalka Faransiiska Booqasho ku tegay.

Xildhibaan Olivier Cadic ayaa sheegay inay qadiyadda aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland ka wada hadleen Dr Edna Adan, oo kulan ay ku yeesheen xarunta golaha Guurtida Faransiiska.

Xildhibaan Cadic oo ah Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Arrimaha Dibedda, Difaaca iyo Ciidanka Qalabka Sida ee Golaha Guurtida, oo fariin ku baahiyey bartiisa Twitter ayaa ku sheegay in kulan uu la qaatay Dr Edna Adan ay kaga wada hadleen aqoonsiga Somaliland.

Kulanka Dr Edna iyo Xildhibaan Cadic oo ay ku wehelinaysay xildhibaan Annick Bilon, Guddoomiyaha Ergada Xuquuqda Haweenka, ee golaha Guurtida oo ka dhacay xarunta golaha Guurtida ayuu fariintiisa raaciyey inay wacyigalinta la dagaalanka gudniinka fircooniga ka wada hadleen Dr Edna. cod adag oo loogu talagalay xuquuqda aadamaha iyo dimuqraadiyadda.

Kulanka Dr. Edna, Ergeyga Wadahadalada Somaliland iyo Soomaaliya iyo xildhibaanada Faransiiska oo faahfaahin dheeraad ah aanay ka soo saarin xukuumada Somaliland ayaa imanaya wakhti bisha Septembar uu qorsheynayo booqasho madaxda Somaliland ku tegayeen dalka Faransiiska oo uu diyaariyey Safiirka Jamhuuriyadda Somaliland ee dalka Faransiiska Mudane Cali Xasan Ismaaciil

Leave a Reply