Lavrov wuxuu muujinayaa awoodda diblomaasiyadeed ee Ruushku ku leeyahay Afrika

0
306

Iyada oo Ruushka uu ku jiro go’doonka reer Galbeedka dagaal uu ka wado Ukraine awgiiis, ayaa wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ruushka Sergei Lavrov Roog cas loo fidiyey intii uu ku guda jiray socdaalka afarta waddan ee Afrika.

Booqashada Mr Lavrov ayaa muujisay in Ruushku uu weli haysto muruqa dublamaasiyadeed ee uu reer galbeedka ugu babac dhigi karo iyo maskaxda dawladaha Afrika qaarkood, isaga oo booqday Masar, Itoobiya, Uganda iyo Congo-Brazzaville.

Inta badan wadamada Afrika – oo ay ku jiraan Nigeria iyo Kenya, oo ah labada dal ee haysta awoodaha dhaqaale ee Galbeedka Afrika iyo Bariga Afrika waxay u codeeyeen qaraarkii golaha guud ee Qaramada Midoobay bishii March ee dhaleecaynaayey “gardarrada” Ruushka.

In kasta oo ay sidaa tahay, 17 dal oo Afrika way diideen in ay Ruushka ka hor yimaadaan oo way ka aamuseen qaraarkii Qaramada Midoobay. Waddamada liiskan ku jira waxaa ka mid ah Koonfur Afrika – oo dareemaysa in Moscow ay abaal ku leedahay taageeradii ay ka geysatay la dagaallanka xukunkii caddaanka tirada yar – iyo Uganda, oo lagu wado inay la wareegto guddoomiyaha ururka dalalka dhexdhexaadka, oo ah urur caalami ah oo la sameeyay xilligii dagaalkii qaboobaa. Waa wadamo ay doonayeen in ay ka fogaadaan loolanka u dhexeeya quwadaha reer galbeedka iyo isbahaysiga shuuciga.

Shir jaraa’id oo uu la qaatay Mr Lavrov, madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa mar kale ku celiyay mowqifkiisa dhex dhexaadnimada ah ee colaadda Ukraine.

“Ma aaminsani inaan cadow u noqono qof kale cadowgiisa,” ayuu yidhi.

Mr Lavrov.  Booqashadan Mr Lavrov waxay muhiim u ahayd Ruushka, waxaan uu kaga hortegayey dacaayada ah in Ruushku “uu gaajo u dhoofiyo” Afrika. Taa bedelkeeda wuxuu ku eedeeyay cunaqabateynta ay Ruushka ku soo rogeen wadamada reer galbeedka inay sabab u tahay kor u kaca qiimaha Badarka sida Sareenka iyo Hadhuudhka.

“Ma uu siinin wax caawinaad ah dowladaha Afrika si ay u yareeyaan saameynta dhibaatada-nololeed ee qiimaha Raashinka”. Isaga oo u jeeda Maraykanka.

Balse waxa jira qorshe Maraykanku ugu yaboohay dawladaha Afrika oo gaadhaya $1.3bn (£1bn) si loo xakameeyo gaajada sidoo kale waxa jira qorshe kale oo Faransiisku hogaamiyo ee lagu caawinayo beeraha Afrika.

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuelle Macron ayaa isna todobaadkan ku guda jira socdaalkiisa Afrika, isaga oo booqanaya Cameroon, Benin iyo Guinea-Bissau.

Shir uu ku qabtay Cameroon, wuxuu ka yidhi: “Waxa na eedeynaya qaar dhahaya cunaqabateynta Yurub ayaa sabab u ah cunno yarida adduunka, oo ay ku jirto Afrika, gabi ahaanba waa been abuur, cunnada iyo waxybaabaha kale ee tamarta loo isticmaalo waxay noqotay hubka dagaalka ee Ruushka.”

Mr Lavrov oo ka hortagaya aragtidan, wuxuu sheegay in dhibaatada cuntadu ay ka bilaabatay masiibada Covid, laakiin wuxuu qiray in “xaaladda Ukraine ay sidoo kale saameyn ku yeelatay suuqa cuntada”.

Masar, Mr Lavrov waxa uu dammaanad qaaday in dhoofinta hadhuudhka Ruushka ay fulin doonaan “ballanqaadkooda”.

Dhaqaalaha Masar ayaa aad ugu tiirsan Ruushka marka loo eego dalal badan oo Afrikaan ah. Qiyaastii 80% qamadigeeda waxa ay ka timaadaa Ruushka iyo Ukraine, saddex meelood meelna dalxiisayaasheeda ajnabiga ah waa Ruush.

Ruushka ayaa sidoo kale dhidibbada u taagay warshad tamarta Nukliyeerka ah oo ku kacaysa $26bn oo dollar oo laga hirgelinayo Masar.

Dhaqan ahaan, ganacsiga Moscow iyo Afrika wuxuu ku salaysnaa difaaca – laga soo bilaabo iibinta qoryaha tooska ah iyo diyaaradaha dagaalka. Dhowaan ayay ahayd markii calooshood u shaqeystayaal Ruush ah loo daabulay Mali iyo Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe (CAR) si ay gacan uga geystaan ​​​​ciidamada dowladda si ay u xakameeyaan kacdoonka.

Intii uu ku guda jiray booqashadiisa Mr. Lavrov waxa kale oo uu diiradda saaray shirka Ruushka iyo Afrika ee ka dhacaya Itoobiya bisha Oktoobar, halkaas oo lagu saxiixi karo heshiisyo ganacsi iyo gaashaan si loo xoojiyo xidhiidhka.

Ergeyga gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan Geeska Afrika Michael Hammer ayaa isna dar-dar gelinaya booqasho hor leh oo ku tegayo Masar iyo Itoobiya, halka Safiirka Maraykanka ee Qaramada Midoobay, Linda Thomas-Greenfield ay toddobaadka soo socda joogi doonto dalalka Uganda iyo Ghana.

Reer Galbeedku waxay dedaal  ugu jiraan samaynta muuqaal ay xasuusiyaan waddamada Afrika in ay wax badan ku bixiyaan ganacsiga iyo gargaarka.

Leave a Reply