Luis Suarez oo Shaaciyay Kooxdiisa Cusub ee Lama Filaanka ah

0
258

Halyeyga kooxaha Liverpool, Barcelona iyo Atletico Madrid ee Luis Suarez ayaa ugu dambayn ku dhawaaqay kooxdiisa cusub ee uu marka xigta kasii wadanayo waayihiisa ciyaareed.

Suarez ayaa haatan mudo toddobaadyo ah koox la’aan ahaa kaddib markii uu dhacay heshiiskiisii Atletico iyadoo lala xidhiidhiyay kooxo badan oo ay kamid yihiin kooxaha horyaalka Maraykanka, Aston Villa iyo Borussia Dortmund.

Suarez ayaa muuqaal uu dhawaan baraha bulshada ku shaaciyay ku sheegay inuu ku laabanayo kooxdiisii carruurnimo ee Nacional.

Luisito ayaa la filayay inuu sii wato wali ka ciyaarista horyaalada Yurub balse wuxuu u muuqdaa mid halkaas ka waayay wax dalab ah oo uu ku qanco.

El Pistolero ayaa waayihiisa ciyaareed kasoo bilawday Nacional halkaas oo uu afar kulan ku metelay tartanka Copa Libertadores isla markaana hal xilli ciyaareed oo uu joogay uu 10 gool kusoo dhaliyay 27 kulan kahor inta aysan isagoo 18 sano jir ah degdeg ula saxeexan Groningen.

Qaarada Yurub ayaa macasalaamaysay mid kamida weeraryahanadii ugu fiicnaa ee soo maray isaga oo Luis si isku mid ah dhibaato uga soo abuuray horyaalada Eredevise, Premier League iyo La Liga.

Leave a Reply