Barca oo Xaqiijisay Lambarka uu Xidhanayo Xiddiga ku Cusub ee Lewandowski

0
394

Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa xalay ku wareejisay Robert Lewandowski lambarka uu u xidhan doono, kaddib markii ay xagaagan kala soo wareegeen Bayern Munich oo uu diiday inuu sii joogo.

Weeraryahanka  reer Poland  oo inta badan cimrigiisa  ciyaareed xidhnaa No.9, ayaa waxa uu yimid Barcelona oo lambarkaas uu haysto Memphis Depay oo isaguna xagaagii hore yimid Camp Nou, iyadoo waqtigaas lambarka looga saaray Martin Braithwaite.

Barcelona ayaa hore loo sheegay inay isku dayayso inay Memphis Depay ku qanciso inuu ka tanaasulo No.9 oo uu ku wareejiyo Robert Lewandowski hase yeeshee laacibka reer Netherlands oo mustaqbalkiisa Camp Nou uu shaki ku jiro ayaa kasoo muuqday kulamadii saaxiibtinimo isaga oo xajistay lambarkiisa, marka laga reebo ciyaartii Juventus ee habeen hore.

Lewandowski ayaa kulankii hore xidhnaa No.12, waxa se wargeyska Sport ee kasoo baxa Spain uu sheegay in aanu mar dambe xidhanayn lambarkaas kaddib kulankii Real Madrid, waxaana xalay uu uu garoomada kasoo muuqday isaga oo xidhan No.9.

Warbaahinta Spain ayaa sheegtay, in uu Lewandowski sidaas kula wareegay lambarkan oo Memphis Depay la iibinayao amaba haddii uu sii joogo la siin doono lambar kale.

Lewandowski ayaa raaci doona raadka halyeeyadii Barcelona ee Johan Cruyff, Ronaldo, Hristo Stoichkov, Luis Suarez, Samuel Umtiti iyo Zlatan Ibrahimovich.

Si kastaba ha ahaatee, Barcelona oo hore u shaacisay in Raphinha uu la wareegay No.11 ayaa  la filayaa in sidoo kale ay si rasmi ah u xaqiijiso, in Depay laga qaaday No.9 oo lagu wareejiyey Robert Lewandowski.

Leave a Reply