Dadka Asaliga ah ee Australia Cod ma ku yeelan doonaan dalkaas?

0
572

Ra’iisul wasaaraha Australia Anthony Albanese ayaa Sabtidii sharraxay Qaraar qabyo qoraal ah oo la doonayo in wax lagaga beddelo dastuurka Australia si dad asaliga ah ee dalkaasi dad metela ugu yeeshaan baarlamaanka.

Dastuurka Australiya hadda ma aqoonsana dadka asaliga ah, horena waxa loo diiday soo jeedin tan oo kale ah oo dadka Asaliga “cod” lagu siinayo.

Qaraarkani wuxuu Dastuurka gelin doona Afti qaran – guddi la-tashi oo dowladda tallo ka soo siin doona go’aamada saameynaya kooxda la takooro – ayaa la saaray waxaanay soo diyaarin doonaan dukumeentiga .

Ra’iisal Wasaaraha oo ka hadlayey xaflad lagu qabtay Jasiirada Arnhem Land — oo ay ku nool yihiin dadka asaliga ah ee u badan — wuxuu sharaxay wax ka beddelkan oo u baahan doona aftida dadweynaha Australiya: waxa uu yidhi qaraarku waxa uu dadka Australia u soo jeedinayaa “Ma taageersan tahay in wax laga beddelo dastuurka sida dadka Asaliga ah ee Aboriginal iyo Torres Strait Islander u helaan cod?”

Hogaamiyahan bidix dhexe Mr Albanese — oo la doortay bishii May — waxa uu ballan qaaday in codka aftida la qaban doono ka hor dhammaadka muddo xileedkiisa 2025.

Ma cadda sida aftida loo qaabayn doono laakiin u soo jeedinta su’aasha bulshooyinka Asaliga ah ee Australia iyo Rayiga dadweynaha ayaa noqon doona waxa mudnaanta leh.

Ra’iisal wasaare ASlbanese waxa kale oo uu Sabtidii dib u ballan qaaday “Bayaankii Uluru ee dadka Asaliga ah soo saareen sanadkii 2017”, kaas oo ku baaqayey horumarinta xuquuqda bulshooyinkan iyo in dastuuriga lagu qeexo in ay yihiin dadkii ugu horeeyey deegaanka Koowaad u ahaa Australia.

Bayaankii 2017 waxaa diiday dawladdii muxaafidka ahayd ee ra’iisul wasaarihii xilligaas Malcolm Turnbull.

Laakiin Albanese waxa uu sheegay in hadalka Uluru uu yahay “Mid ku saabsan tallada bulshooyinka Aborijiniska iyo dadka jasiiradaha Torres Strait iyo go’aamada iyaga saameeya, wax kale ma jiraan, laakiin wax yar maaha”.

“Tani waa xushmad fudud. Waa akhlaaqda guud,” ayuu raaciyay.

“Waxay daaha ka rogaysaa qarniyadii fashilka… waxay keenaysaa in la iswaydiiyo su’aasha aasaasiga u ah bani’aadamka: sidee dareemi lahaa haddii tan la igu sameeyo Aniga?”

Australiya waxay muddo dheer ku guul darreysatay inay xidho farqiga kala duwanaanshaha ee dadkii Asaliga u ahaa dhulka iyo dadka intiisa kale, iyada oo ay sare u kacday heerarka xabsiyada ee dadka asaliga ah iyo sidoo kale higsiga noloshooda  ilaa siddeed sano oo ka hooseysa celceliska guud ee nolosha dadka dalkaas.

Leave a Reply