Qaylo-dhaan ka dhalatay tahriibe Afrikaan ah oo maalin cad lagu dilay badhtamaha magaalo Talyaaniga ah

0
546

Dhimashada tahriibe Afrikaan ah oo maalin cad weerar lagu dilay badhtamaha dalka Talyaaniga ayaa waxaa ka dhashay cadho.

Ninkan oo ku ganacsan jiray meel wado ah oo ku taal badhtamaha magaalada Civitanova Marche waxa weerar ku dilay nin kale oo aan la magacaabin. Ninkan oo u dhashay Nigeria ayaa muuqaal laga duubay la baahiyey Jimcihii.

Muuqalka la duubay oo sida la sheegay ay sameeyeen dadkii daawanayay ma jirin cid isku dayday in ay dhex gasho, waxaana uu muujinayaa dhibbanaha oo uu dhulka ku hayo nin caddaan ahi.

Nin Talyaani ah oo 32 jir ah ayaa xabsiga loo taxaabay kadib markii lagu eedeeyay dil iyo dhac. Muuqaalka weerarkan oo si weyn loogu faafiyay mareegaha wararka ee Talyaaniga iyo baraha bulshada – ayaa argagax ku abuuray bulshada, iyada oo dad badan ay muujinayaan “dareen la’aanta” markhaatiyaasha. Lama oga xaallada shilku ka dhashay.

Dhibbanaha ayaa magaciisa lagu sheegay Alika Ogorchukwu, wuxuu ahaa Aabe xaas leh oo leh laba carruur ah. Xaaskiisa oo magaceeda lagu sheegay Charity Oriachi, ayaa ilmayn kari wayday, iyada oo warbaahinta u sheegtay sida loo tusay maydka ninkeeda oo dhulka yaalla.

Sabtidii boqolaal qof oo ka tirsan bulshada maxalliga ah ee Nigeria ayaa isugu soo baxay waddooyinka Civitanova Marche, ee gobolka Marche, si ay u dalbadaan caddaalad.

Weerarkan ayaa waxaa sidoo kale cambaareeyay siyaasiyiinta Talyaaniga.

Enrico Letta, hogaamiyaha xisbiga Dimuqraadiga ee garabka bidix, ayaa sheegay in waxa dhacay ay ahaayeen “wax laga naxo”.

“Arag-xumo aan la maqlin. Dareen la’aan baahsan. Ma jiri karto cudurdaar,” ayuu ku soo qoray bartiisa twitter-ka.

Hogaamiyaha garabka midig Matteo Salvini ayaa sidoo kale muujiyay sida uu uga xun yahay geerida, isaga oo yidhi “ammaanku ma laha midab” “waxa loo baahan yahay in xaq loo adeego.”

Leave a Reply