Nepal: Soo noqoshada shabeelku waxay keentay farxad iyo cabsi labadaba

0
105

Dalka Nepal waxa dib uga laabatay shabeelkii ku noolaa, waxaana uu gaadhay in ka badan laba jibaarka 10-kii sano ee la soo dhaafay, sida lagu sheegay warbixin calaami. Dib u soo laabashada tirada Shabeelka waxay farax gelisay dalkaa oo qarka u saaraa in Shbeelku ka dabar-go’o. guushani waxay dalkaas ku joogtaa qiime sare, toban sanno ayaa laga shaqaynayey soo noqoshada. Dadka ayaa soo dhoweeyey soo noqoshada Shabeelka caanka ah ee loo yaqaan Bengal Tigers ama Shabeelka Bengal, waxaanay ku tilmaameen Farxad iyo cabsi labadaba, sababta oo ah waxa kordhay weerarada Shabeelka ee dadka.

“Laba dareen ayaa kugu soo dhacaya marka aad iska hortimaadaan shabeel,” ayuu yidhi Captain Ayush Jung Bahadur Rana, oo ka mid ah cutubka loo xilsaaray ilaalinta bisadaha waaweyn.

“Mida kowaad waad la yaabaysaa haybadiisa, midda kalena waa, khatartiisa”. Muddo toban sanno ah ayaa la siiyey Ilaalin iyo in dhul loo xidho.Hadda waxa arkaysaa roondooyinka hubaysan ee laga wado bannaanka iyo baadiyaha cufan ee Bardiya, beerta weyn ee duur-joogta ee gobolka Terai ee Nepal.

Waxa shaqeeyey nidaamka ka hortga ugaadhsiga shabeelka. Unugyada milatarigu waxay taageeraan kooxaha seerayaasha qaranka iyo qaybaha bulshada ee ka hortagga ugaadhsiga.

Dhinaca kale soo noqoshada shabeelku waxay abuurtay caqabado nafta halis gelisa oo ay dareemayaan dadka ku nool soohdinta beerta.

“Bulshadu waxay ku nool yihiin argagax,” ayuu yidhi Manoj Gutam, oo ah hawlwadeenka ganacsiga deegaanka iyo ilaalinta.

Waxaa jira qiimo ay bulshadu bixisay oo keenay in adduunku ku farxo in Nepal laban-laabanto tirada shabeelka.”

12-kii bilood ee la soo dhaafay, 16 qof ayaa shabeelku ku dilay dalka Nepal. Shantii sano ee la soo dhaafay, wadar ahaan 10 qof ayuu dilay, waxa muuqata in waxyeelada sanadkii u danbeeyey ay ka badan tahay shantii la soo dhaafay taasina waa tirada oo badatay.

Weerarada intooda badan waxay dhacaan markii dadka tuuladu ay galaan seeraha qaranka ama aagagga ay iska gaadhaan Sbabeelka iyo dadku, inta badan xoola dhaqatada ayaa lo’da u daaq geeya, ama midho ayey u doontaan, ama boqosho iyo alwaaxyada ayey u doontaan.

Xaaladaha qaarkoodna shabeel ayaa ka soo baxay beerta qaranka iyo marinnada kale, waxaanay weeraraan dadka tuulooyinka. Waxaa jira xayndaabyo lagu kala saarayo duurjoogta iyo dadka balse waxa u suura gasha in ay ka gudbaan.

Bhadai Tharu waa Ilaaliye waxa ka muuqada nabarrada dagaalka ee shabeellada haddna weli wuxuu jecel yahay inuu ilaaliyo. Sannadkii 2004tii ayuu Shabeel weeraray isaga oo doog ka jaraya kaynta u dhow tuuladiisa. Labadiisa indhood mid ayuu waayay.

“Shabeelkii ayaa wejigayga kaga soo booday, isaga oo samaynaya qaylo wayn, ka dibna isha ayuu ka soo tuuray”.

Marka uu iska bixiyo muraayadaha qorraxda ee uu isticmaalo, waxaad arkaysaa nabarro qoto dheer iyo ishiisa maqan.

Taariikhda dhow ee shabeelku waxay ahayd mid madow.

Qarni ka hor, waxaa jiray ilaa 100,000 shabeel duurjoog ah oo ku baahsan Aasiya. Horraantii 2000-meeyadii, tiradaasi waxay hoos u dhacday 95%, sababta oo ah ugaadhsiga, ugaadhsiga iyo luminta deegaanka. Hadda waxaa loo malaynayaa inay u dhexeeyaan 3,726 iyo 5,578 shabeel ku hadhay duurka sida uu qabo Ururka Caalamiga ah ee Ilaalinta Dabeecadda.

Bardiya oo ku fidsan dhul ka badan 968 km² (374 mayl laba jibaaran), ayaa noqotay seero qaran 1988 si loo ilaaliyo xayawaanka duurjoogta ah ee dabar-go’aya. Gobolku wuxuu ahaan jiray goob ugaadhsi.

Sannadkii 2010-kii, 13 waddan oo Shabeelku ku nool yihiin ayaa ballan qaaday inay labanlaabayaan tirada Shabeelka duurjoogta ah marka la gaadho 2022 – Sannadka Shabeelka Shiinaha – iyaga oo isku dayaya inay dib uga soo celiyaan heerkii ay dabar go’een.

Kaliya Nepal ayaa ilaa hadda gaadhay bartilmaameedka.

Shabeelka ku nool Nepal waxa uu ka koray 121 sanadkii 2009 ilaa 355 sanadka 2022. Bisadaha waaweyn waxa laga heli karaa shan seere oo qaran oo dalka oo dhan ah. Noocyo kale oo ay ka mid yihiin wiyisha, maroodiga iyo shabeellada ayaa sidoo kale kordhay.

Si loo helo deegaan u madax bannaan shabeellada iyo duurjoogta kale maamulku waxay abuureen dhul caws badan. Waxa kale oo ay kordhiyeen tirada godad-biyoodka si ay u abuuraan deegaan ku habboon deerada, oo ah ugaadhsiga ugu weyn ee shabeelka.

Dadka ku nool agagaarka Beerta Qaranka ee Bardiya ayaa si weyn u taageeray dadaallada ilaalinta, laakiin marka tirada shabeelku sii kordheyso waxaa sii kordhaya xasillooni darro.

 

Leave a Reply