Garoonka Diyaarradaha Hargaysa oo lagu Qabtay Caasha-badhi si Sharci Darro ah Dalka Looga Dhoofinayay

0
862

Ciidamadda amaanka ee garroonka diyaaradaha Hargaysa ayaa 27-kii bishii July waxay soo qabteen oo ay gacanta ku soo dhigeen xayawaanka loo yaqaano Caasha-badhida oo loo doonayay in si qarsoodi ah dalka looga dhoofiyo.
Caasha-badhidaasi oo tiradeedda lagu qiyaasay 100 xabadood iyo dheeraad ayaa la sheegay inuu watay nin u dhashay dalka Masar, kaasoo qorshihiisu ahaa inuu dalka si qarsoodi ah uga dhoofiyaan.
Kadib markii ay ciidamadda amaanka gatoonka diyaaradaha Hargaysa gacanta ku dhigeen ninkaasi Caasha-badhida dhoofinayay waxay ku soo war geliyeen wasaaradda Deegaanka iyo isbedelka cimiladda Somaliland oo ay iyadda shaqadeedu tahay, isla markaana lagu wareejiyay xayawaankaasi.
Waxaana halkaasi si wada jir ah saxaafadda ugula hadlay af-hayeenka ciidamadda booliska Somaliland gaashaanle sare Faysal Xiis Cilmi, iyo agaasimaha guud ee wasaaradda Deegaanka iyo isbedelka cimiladda Somaliland C/kariin Aadan Cadde, iyo agaasimaha waaxda duur joogta ee wasaaradaasi C/naasir Xuseen Siciid.
Hadaba, qormadeena todobaadkan ee DEEGAAN JIRRE, waxaynu ku soo qaadan doonaa hadaladii masuuliyiintaasi ee la xidhiidhqy xayawaanka Caasha-badhida ee lagu qabtay iyadoo ninkaasi ajaanibka ah uu dalka si sharci darro ah uga dhoofinayay.

Gaashaanle sare Faysal Xiis Cilmi, oo ka warbixinayay Caasha-badhidii ay soo qabteen iyo cida wadatay waxa uu yidhi “Waxaa waayadan danbe inagu soo noq-noqotay, in khayraadkii dalkeenna la isku dayo in la gurto. Kaasoo ay guranayaan dad ajaanib ahi. Nasiib wanaag, ciidanka boolisku isagoo arrintaa ka hor tegaya, wuu qabtaa. Waxaana ka mid ah Diimamka, Caasha-badhiyaha, Dirxiga, Shinbiraha iyo Ugaadha kala duwan, sida Harimacadka. Waana markii saddexaad ee ciidanka boolisku uu ka soo qabto, garroonka diyaarradaha Hargaysa, muddo kooban sidan imika idiin muuqata oo kale”.
Faysal Xiis Cilmi, ayaa digniin u diray cid kastoo ku hawlan arrimahaasi in ay ciidamadda booliska Il gaara ku hayaan, cidii lagu qabtana in sharciga la hor gayn doono.
“Waxaanu u sheegaynaa dadka waxyaabahaasi ku hawlan, in aanay alaabtaasi si hawl yar, ugala bixi Karin dalka. Waxaanan kiiskan u gudbin doonaa maxkamadda iyo xeer ilaalinta ku shaqadda leh. Xayawaanka na waxaanu si joogto ah ugu wareejinayaa wasaaradda Deegaanka ee ku shaqadda leh.

Tan oo keliya maahee, waxa uu boolisku si joogto ah gacanta ugu soo dhigaa danbiileyaasha. Waxa kaloo aanu digniin u diraynaa dadka reer Somaliland ee ajaanibka u fududeeya hawlahaasi, iyaga na waanu soo qabanaynaa. Eedahaysanahan hortiina taagan, ee la soo qabtay waa nin u dhashay dalka Masar, wuxuu caaddo, iyo shaqo ka dhigtay, inuu had iyo jeer xayawaanka dalkeenna si sharci darro ah dalka ugala baxo. Waana sida uu qabo xeerka Lr. 61, ee ciqaabta guud…..waana nin caadaystay oo shaqo ka dhigtay falalka noocan ah. Waana laga abaal marin doonaa fal-danbiyeedkaasi uu galay”ayuu yidhi afhayeenka booliska Somaliland.
Agaasimaha guud ee wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka cimiladda Somaliland C/kariin Aadan Cadde, oo isna halkaasi ka hadlay ayaa faah-faahin ka bixiyay Caasha-badhidan la soo qabtay iyo waxa laga yeelayo ninkii falkaasi lagu soo qabtay.
Waxaanu yidhi, “Waxaanu maanta (27-kii July) soo qabanay qayb kaloo ka mid ah xayawaanka dalkeenna oo ugaadhsi daran lagu hayo, taasoo ah Caasha-badhi, aanu soo qabanay. Iyadoo wasaaraduna ay soo ogaatay, ciidamdda booliskuna ay nagala hawl galeen.
Waxaan u sheegaynaa cid kastoo ku hawlan ka ganacsiga sharci darrada ah xayawaankeena iyo duur joogteenna, in dawladda jamhuuriyadda Somaliland oo dhami ay u soo jeedsatay iyadoo isku duuban. Haday wasaaradda tahay, iyo haday qaybaha kala duwan ee ciidamadda tahay ba, gaar ahaana wasaaradda deegaanka iyo isbedelka cimiladda.

Kiiskan imika aan u fadhino ee ninkan Masaariga ah, oo dhawr jeer oo horena, la ogaa inuu ku jiro hawshan. Laakiin, maanta (27-kii July) ayaan gcanta ku soo dhignay. Waxa kaloo uu hayaa ninkani, xidhiidh fara badan, oo ah dad badan oo reer Somaliland ah, oo la shaqeeya”.
Agaasimaha guud ayaa ugu danbayn, waxa uu bulshadda reer Somaliland ugu baaqay in la wada ilaashado xayawaanka oo ah khayraadkeenna, isla markaana ay sharciga la tiigsan doonaan cid kastoo ku xad-gudubta arrimaha duur joogta iyo deegaanka.

“Waxaan cod dheer ugu sheegaynaa bulshadda reer Somaliland in aynu ilaashano khayraadkeenna. Mar labaad iyo mar saddexaad na waan u mahad naqaynaa ciidamadda booliska ee soo qabtay. Waxaanan rejaynaynaa in aanu sharciga hor gayn doono cid kastoo ku xad-gudubta khayraadkeenna, iyo arrimaha deegaanka” ayuu yidhi C/kariin Aadan Cadde.

Geesta kale agaasimaha waaxda Duur joogta ee wasaaradda Deegaanka iyo isbedelka cimiladda Somaliland C/naasir Xuseen Siciid, oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in aanay ahayn markii u horaysay oo la qabto xayawaanka Caasha-badhida oo dalka si sharci darro ah looga dhoofinayo.
“Wasaaradda Deegaanka oo kaashanaysa ciidanka booliska waxay gacanta ku soo dhigtay, Caasha-badhi uu nin Masar u dhashay watay. Ma aha markii koowaad oo dad falal noocan ah ku jira la qabto, balse mar hore ayaa sidan oo kale loo soo qabtay 300, oo xabadood oo Caasha-badhi ah. Mar kale na waxaa la soo qabtay 200, oo Caasha-badhi ah, mar na 73 xabadood. Tan imika la soo qabtayna 150, xabadood ayay gaadhaysaa.

Markaa waa la dareemi karaa sida khayraadkeenii dalka looga saarayo. Xeerka ilaalinta duur joogta iyo kaymaha Somaliland waxa uu si faah-faahsan u qeexayaa, duur joogta in aan la haysan Karin, laga ganacsan Karin, dalka na aan laga saari Karin. Sharciga ayaanu la tiigsan doonaa, maxkamadaha sharciga ee  ku shaqadda leh ayaana loo gudbin doonaa cid kastoo ku hawlan ba”ayuu yidhi C/naasir Xuseen Siciid.

Isagoo hadalka sii watayna waxa uu yidhi “Waxaan halkan uga sheegayaa bulshadda reer Somaliland khayraadkeenii weeye Caasha-badhidu. Markaa waxaad dareemaysaa in dabar-goyn lagu hayo khayraadkeenii. Waxaanan u mahad celinaynaa ciidamadda booliska, oo hadh iyo habeen ba heegan ugu jira sidii khayraadka dalka ay u ilaalin lahaayeen”.

Leave a Reply