Xikmadaha!

0
518
  • Iska jir gacan adayga, waxa aad sadaqaysato ayaa kuu ah hanti. Sadaqaddu waxay ka bilaabanta guriga (Qoyska).
  • Qorshaha iyo nidaamka wanaagsani waa muftaaxa guusha, ku dadaal in aad mar walba samayso qorshe waxqabad.
  • Ha sheegin wax kasta oo aad taqaan, laakiin waa inaad taqaan wax kasta oo aad sheegayso.
  • Ha qaadan go’aamo degdeg ah, laakiin in badan ka fikir oo talooyin qaado.
  • Ha werwerin laakiin in badan hubso tallaabada aad qaadays, oo mustaqbalka ah.
  • Sabir iyo dulqaadku waxay leeyihiin saameyn la taaban karo xataa ka hor inta aan dhibaatada iyo caqabaduhu baab’in.
  • Noloshu waa sallaan, ma kori kartid haddii gacnataadu jeebadda kuugu jirto
  • Wakhtiga adag kaga gudub sabir iyo dulqaad.
  • Weligaa ha qaadan go’aan marka aad werwersan tahay, sug , sabir. Waa uu ku dhaafi duufaankuye.
  • Shaqooyinka waaweyni xoog laguma qabto laakiin waa sabir.
  • Sabirku waa dhaqan wanaagsan, waxa ku baraa dulqaadka. Waana cashar adag.

Leave a Reply