Fikradaha Khaldan Ayaa Burburka Keena!

0
437

Shirkadaha dhaqaale ahaan burbura waxa sabab u ah marka shirkaddu ay curin kari weydo wax cusub iyo  horumar dhinaca hawsheeda adeega ama badeecad. Taasi oo keenta inay bixin kari weydo kharashaadka hawsha lagu wado marka uu yaraado iibkeedu (Operating costs).

Fikradaha khaldan ee aan aqoonta ku fadhiyin ee maamulayaasha shirkadu rumaystaan ayaa ah arinka ugu horeeya ee baabiiya shirkada , taasi oo ah inay rumaystaan inay soo saaraan adeega ama badeecadda ugu tayo wanaagsan, qiimo ahaan ugu jaban baahina loo qabo. Waxaana ay isha ka lalinayaan tartamataasha oo ay ka soo qaadan kuwa aan gaadhi Karin tirada macmiilka ay shirkadoodu kasbatay.

Haddaba si ay shirkadaadu horumar u samayso waa in maamulka Ganacsigu yeeshaa kuwo talada siiya iyo aqoonyahano khibarad u leh suuqa iyo isbedelka tartanka ka jira ganacsiga ama ku soo waajahan mustaqbalka.  Go’aan qaadashada iyo aaminsanaanta inaad tahay shirkadda macmiil badan maaha mid ka badbaadinaysa gantaalaha burburka ee ay kugu soo ganayaan tartamayashaadu kuwaasi oo ku baraarugay markii horeba macaashka shirkadaada ee xooggan iyo tirada macmiilka ee xadhkaha goostay..

 

Leave a Reply