Liverpool oo Heshiis Qaali ah ku Abaal-marinaysa mid ka mid ah Xiddigihii ugu Wanaagsanaa Xilli-ciyaareedkii Hore

0
376

Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa heshii qaali ah oo lacago badan xambaarsan u bandhigtay mid ka mid ah ciyaartoydeeda shaqada fiican qabtay xilli ciyaareedkii tegay kaas oo ay doonayaan in uu waqti dheer sii joogo Anfield.

Tababare Jurgen Klopp oo kooxdiisu ay xagaagan la saxeexatay Darwin Nunez, Fabio Carvalho iyo Ramsay ayaa waxa uu sidoo kale ka shaqaynayaa sidii ay kooxda usii joogi lahaayeen ciyaartoyda tayada badan ee uu rumaysan yahay in ay sannado badan oo kale sii dheeli karayaan.

Liverpool oo xilli ciyaareedkii tegay hal dhibic oo kaliya ka dambaysay Manchester City oo horyaalka qaadday, ayaa waxay ku guuleysatay FA Cup iyo Carabao Cup, halka ay sidoo kalena yimaaddeen finalkii Champions League oo ay Real Madrid gool madi ah kaga adkaatay.

Ciyaartoydii guulaha Reds ku suntanaa waxa ka mid ahaa weeraryahanka reer Portugal ee Diogo Jota oo ahaa ciyaartoyga labaad ee ugu goolasha badnaa Liverpool isaga oo ku xigay Mohamed Salah oo kabta dahabka ah iyo abaal-marinta kubbad-sameeyaha ugu fiican isku darsaday.

Jota ayaa dhaliyey 21 gool oo dhamaan tartamada ah, waxaanu ku daray siddeed caawimood, waxaana hadda ay kooxdu miiska u saartay heshiis cusub oo si weyn sare ugu qaadaya mushaharkiisa, isla markaana lagu dheeraynayo sannadaha ka hadhsan heshiiskiisii uu saxeexay sannadkii 2020 oo Liverpool ay £40 milyan oo Gini kaga soo iibsatay Wolves.

Heshiiskii hore ee Diogo Jota ayay ka hadhsan yihiin saddex sannadood, waxaana si meesha looga saaro in hadal-hayn soo gasho mustaqbalkiisa dhow ay Liverpool u bandhigtay heshiis cusub oo la sheegay in laacibkanina uu la dhacsan yahay.

Si kastaba ha ahaatee, Liverpool oo ay ka tageen Sadio Mane iyo Divock Origi ayaa doonaysa in aanay si fudud ku waayin ciyaartoydeeda hadda ay haysato, waxaanu qorshaha Klopp yahay in Jota uu ahaado xoogga afka hore ee uu la isticmaalayo Nunez, Luis Diaz, Firmino iyo Mohamed Salah.

Leave a Reply