Guddoomiyaha Maroodi Jeex oo u Digay Hudheelada Caasimadda

0
215

Gddoomiyaha gobolka Maroodijeex Maxamed Cilmi Axmed.ayaa maamulka iyo mulkiilayaasha Hoteelada la seexdo ee magaalada Hargeysa u qabtay Kulan ku saabsan sidii la iskugu xidhi lahaa Huteelada Caasimada iyo Ciidanka Socdaalka Somaliland.

Shirkaasi oo ka qabsoomay xarunta wasaaradda Arimaha Gudaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa sidoo kale waxa lagaga ghadlay qabashada shirarka jaraa’id ee sharciga baal marsan iyada oo Gddoomiyaha gobolka Maroodijeex Maxamed Cilmi Axmed uga digay Hudheladda Hargeysa in aan lagu qaban shirarka jaraa’id ee amniga wax yeelaya.

Gddoomiyaha gobolka Maroodijeex Maxamed Cilmi Axmed ayaa ka mamnuucay Hoteellada Hargeysa qabashada shirarka lagu kala qaybinayo bulshada Somaliland, waxaanay intaas ku dartay in ciddii u hoggaansami weyda laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan.

Gddoomiyaha gobolka Maroodijeex Maxamed Cilmi Axmed oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Qofka ajaanibka ah markuu kuu yimaado waxaa lagaa rabaa in aad hubiso fiisihiisa, halka uu ka soo galay iyo macluumaadkiisa oo dhan aad ogaatid, idinka ayaa la idinka rabaa, waddasnka waa inaynu wada ilaashano markaad eegtid xogtiisa haddii wax ka dhiman yihiin sharcigiisa waa in aad la wadaagto laanta socdaalka. Dhammaanteen waxaa la inaga rabaa in aynu ogaano cid kasta oo nabadgelyo darro abuuraysa ee hoteeladeena seexanaysa ee tagaasida raacaysa ee waddanka dhex socda. Waddankani waa dalkeenee masuuliyad ayaa inaga wada saran, waana in aynu ilaashanaa.”

Sidoo kale war qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska guddoomiyaha gobolka Maroodi-jeex ayaa lagu “Dhamaan Mulkiilayaasha Hotelada Caasimada Hargeisa waxaa lafarayaa laguna adkaynayaa inan lagu qabankarin Hoteladoda shirarka lagu kala qaybinayo bulshada Somaliland, amnigana waxyeelaya iyadoo baryahan dambe Hotelada qaar lagu qabto shirar abaabulan oo lagaga hadlayo arimo nabad galyada kasoo horjeeda.

Haddaba waxa la ogaysiinayaa dhamaan Hotelada ku yaala caasimada Hargeysa in an lagu qaban shirar nabad galyada waxyeelaya.

Sidaa darteed ciddii u hoggaansami wayda go’aankan ama lagu arko iyadoo shirar nabad galyada waxyeelaya lagu qabanayo Hoteladoda waxa laga qaadi doonaa Talaabo sharciga waafaqsan.”

 

 

 

 

Leave a Reply