Shaqaalaha Dawladda oo looga Digay ka Qayb Galka Siyaasada

0
251

Hargaysa (Dawan): Guddoomiyaha haayadda Shaqaalaha Dawladda Somaliland ayaa shaqaalaha dawladda uga digay in ay ku milmaan arrimaha siyaasadda iyo xaaladaha taagan.

Khalid Jaamax Qodax, oo shalay shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa ku dhawaaqay in tallaabo laga qaadi doono shaqaalaha dawladda ee ka qayb qaata siyaasada, taas oo uu ka raabay sharciga shaqaalaha dawladdu.

Guddoomiyaha haayadda Shaqaalaha Dawladda Somaliland Khaalid Qodax, oo ka hadlayay fariinta uu shaqaalaha dawladda u dirayay ayaa tilmaamay in ay mamnuuc tahay in shaqaale dawladeed ay ka qayb galaan arrimaha siyaasadda iyo xisbiyadda.

Guddoomiyaha haayadda Shaqaalaha Dawladda Somaliland Khaalid Qodax, oo ka hadlayay fariinta uu shaqaalaha dawladda u dirayay ayaa tilmaamay in ay mamnuuc tahay in shaqaale dawladeed ay ka qayb galaan arrimaha siyaasadda iyo xisbiyadda.

Waxaanu yidhi, “Halkan waxaanu fariin wacyigelin ah uga diraynaa shaqaalaha dawladda ee hoos yimaadda haayadda shaqaalaha dawladda, fariintaasi oo ku salaysan xeerka shaqaalaha dawladda oo shaqaalaha dawladda ka reebaya ku-milanka, ama ka qayb galka arrimaha siyaasadda.

Xeerka shaqaalaha dawladda oo si faahfaahsan uga waramaya, waajibaadka lagu leeyahay qofka shaqaalaha ah, iyo xuquuqda uu isagu leeyahay, doorka shaqaalenimadda. Waxaanan halkan ka cadaynayaa in dhamaanba shaqaalaha dawladda waajibaadyadda lagu leeyahay ay ka mid tahay, in ay u hogaansamaan qodobadda iyo shuruudaha ku qoran faafinta rasmiga ah ee lagu sameeyay xeerka shaqaalaha dawladda, ee xeer LR. 97/2022-ka”.

“Xeerkaasi waxyaabaha uu ka reebay shaqaale weynaha dawladda waxaa ka mid ah, in ay siyaasadda gallaan. Dhawaan waxaa jirtay in ururro siyaasadeed oo badan lagu dhawaaqay, kuwaasoo la rejaynayo in ay ka soo baxaan xisbiyo siyaasadeed. Muwaadiniinta reer Somaliland xaq bay u leeyihiin in ay ururadda taageeraan, laakiin xeerku wuxuu ka reebay in ay shaqaalaha dawladu siyaasadda gallaan.

Sidaa darteed, waxaan halkan fariin uga dirayaa in shaqaalaha dawladu ay siyaasadaasi, iyo ururadaasi, iyo hawlahaa socda aanay qayb ka noqon, oo kumilmin, maadaama oo ay mar kastaba shaqaaluhu yihiin dhex-dhexaad” ayuu yidhi guddoomiye Khaalid Qodax.

Geesta kale Khaalid Jaamac Qodax, waxa uu sheegay in sidii arrimahaasi loogu baraarujin lahaa shaqaalaha dawladda in ay maalmihii ina dhaafay kulamo la yeesheen agaasimeyaasha guud ee wasaarradaha dawladda si ay shaqaalahoodda u gaadhsiiyaan fariintaasi.

Guddoomiye Qodax, waxa kaloo uu digniin u dirwy shaqaale ka mida kuwa dawladda oo la sheegay in ay ka qayb qaateen mudaharaadyadda ay xisbiyadda mucaaridku wadaan.

Dhinaca kale kulankan uu guddoomiyuhu ka hadlay waxaa goob joog ka ahaa guddoomiye ku xigeenka haayadda shaqaalaha dawladda Aamina Xuseen, Agaasimaha guud Khalid Mirre, guddiga komishanka haayada shaqaalaha dawladda, agaasime waaxeeyada shaqaalaha dawladda iyo wasiirka wasaaradda Shaqo-Gelinta Arrimaha Bulshada iyo Qoyska Somaliland Mustafe Maxamuud Cali Bile

 

 

Leave a Reply