Meel ay Xabadi ka Dhacayso Waligood may arag Sadexda Nin Ee Dhukurani” C/raxmaan Dheere

0
285

Hargeysa (Dawan)- Siyaasi Cabdiraxmaan Cismaan Caalin (Cabdiraxmaan Dheere) oo ka tirsan xisbiga KULMIYE, kana  mid ahaa xildhibaanadii hore ee golaha wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ka hadlay mudaharaadyada ay ku baaqeen xisbiyada mucaaridka ah, waxaanu ku eedeeyay mucaaridka in ay wadaan fadqalalo iyo arrimo ammaanka waxyeelo ku ah.

Siyaasi Cabdiraxmaan Cismaan Caalin (Cabdiraxmaan Dheere) waxa uu sheegay in xisbiyada mucaaridka ah ee Somaliland ku eedeeyay inay dalka ka wadaan buuq iyo fadqalalo siyaasadeed, isla markaana ay caadaysteen in ay ku dhawaaqaan dalku wuu burburayaa iyo dagaal baa ka dhacaya.

Cabdiraxmaan Cismaan Caalin (Cabdiraxmaan Dheere) oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Dhaqan bay iska tahay marka doorashooyin ay dhacayaan in buuqyo iska jiraan, aniguna buuqaas wax ka badan oo aan arkaa ma jiro.

Xisbiyada mucaaridka ahi waxay wadaan buuqyo badan oo ay ka mid tahay dalku wuu burburayaa iyo waa la is diliyaa, bulshada waxaan waydiinayaa dalkeenu waa 112 degmo, meel uu buuq ka taagan yahay ama la isku dilayo ama la isku haysto miyaad aragteen, meeshan mucaaridku leeyahay cid baa isku dilaysa anigu ma garanayo. Arrintaas bulshada ayaan u daynayaa in ay inoo sheegaan meesha la isku dilayo.”

Siyaasi Cabdiraxmaan Cismaan Caalin (Cabdiraxmaan Dheere) waxa uu si gaar ah u diray madaxda axsaabta mucaaridka ah waxaanu yidhi “Anigu si fiican baan u aqanaa Cabdiraxmaan Cirro iyo Faysal Cali Waraabe, mid waliba sida uu wax u doono ayaan garanayaa, sababta ay u leeyihiin dalka ayaa burburaya ee ay culimada iyo odayaasha u soo kicinayaan waxa weeye, hore ayay ugu faa’iideen oo Faysal Cali Wabaabe hore ayuu ugu faa’iiday buuqaas oo marna Jamaal looga xukumay Xisbiga, ta labaadna waa markii Cabdiraxmaan Cirro looga xukumay xisbiga, markaa labadaas jeer ba wuu ku faa’iiday.

Cabdiraxmaan Cirro isaguna laba jeer ayuu ku faa’iiday oo waliba mar baan xogogaal dhab ah u ahaa oo waxay ahady markii iyada oo baarlamaanka la fadhiyo uu Cabdiraxmaan Cirro foojari gareeyay xeerarkii ka baxay golaha ee u socday golaha Guurtida, markaanu ku qabanay ee aan maamuus ku xayuubin ku soo oognayna odayaal buu kuciyay. Markaa hore ayay ugu faa’iideenoo iminka way u dhali la’dahay sababta oo ah iminka waxa la isku hayo ayaa ah xeer.”

Cabdiraxmaan Dheere waxa uu si gaar ah u duray guddoomiyaha xisbiga Waddani waxaanu yidhi “Xirsi Cali Xaaji Xasan oo aynu ogayn markuu dalka madaxda ka ahaa sidii uu u dhaqmi jiray ayaa maanta wax ka sheegaya ciidamadii Booliska Somaliland. Waxa kale oo aan idiin sheegayaa meel ay xabadi ka dhacayso waligood may arag sadexda nin ee dhukurani”

 

Leave a Reply