Naftaada Iyo Malaha Khariban!

0
483

Dhibtaada ugu halista badan ee qof ku dhacdaa, waa isagoo male xun naftiisa ka aamina.

Dad badan ayaad ka maqlaysaa kelmadahan: ma Awoodo arinkaasi, ma Karayo, xitaa hadaan sidaa yeelo waan qaldamayaa, ama waan Fashilmayaa.

Kelmadahaasi waxay  ka khatar badan yihiin dagaal foolka-fool ah oo hub iyo rasaas la isu adeegsado. Isku dey inaad warqad iyo qalin soo qaadato ka dibna aad qorto wax kasta oo aad hore u tidhi ma awoodo, kuna hoos qor waan awoodaa; naftaadana ku kalsoonow.

Horaa loo yidhi “ Arrin kasta wuxu ku bilowdaa yaraan, ka dibna wuu koraa oo weynaada ilaa Masiibada mooyee. Iyadu waxay ku bilaabantaa weynaan ka dibna way yaraataa”.  Shay kastaana marka uu bato wuu jabaa oo rakhiis noqdaa , edebta mooyee, iyadu way qaaliyowdaa”. Dadaal, sabir oo sug guusha iyo faraka.

Nin guulaystay ayaa la weydiiyay , sirta guushiisa ? waxaana uu ku jawaabay sababta guusha aan ku gaadhay waa go’aanka saxda ah ee aan qaatay.

Mar labaad ayaa la weydiiyay, sida uu ku sameeyay go’aanka saxda ah? Waxana uu ku jawaabay waxaan adeegsaday waayo aragnimada aan leeyahay.

Haddana waxa la weydiiyay sida uu ku helay waayo araganimada uu ku gaadhay guusha ? , waxaana uu ku jawaabay waxa aan ku helay waayo aragnimada  go’aanadii kharibnaa ee aan hore u gaadhay.

Casharada waayaha ee waayo-araga ah Uga faa’iidayso gaadhida guusha, iyo barashada  wadooyinka guuldarada.

Guushuna waa go’aanka saxda ah ee ka dhasha waayo argnimada ay sababtu guuldaradu.

 

Leave a Reply