Wasaarda Hawlaha Guud oo Bilawday Olole Dakhli Ururin ah

0
283

Hargaysa (Dawan)[ Wasaaradda Hawlha guud dhulka iyo guryaynta Jamhuuriyadda Somaliland oo bilawday olole ballaadhan, waxaana shalay maalintii labaad galay olalaha hawlwadeenadda wasaaradda hawlaha guud ee dardargalinta iyo soo xereynta kiradda hantidda maguurtadda dawladda ay dadka ku jira hantida qaranka kaga soo qaadayeen kiradii ku waajibtay.

Ololaha Kiro Ururinta Guryaha Dawlada ayaa labadii cisho ee lasoo dhaafay ka socotay caasimada hargaysa. iyadoo ay waday waaxda guryaha ee wasaaradda hawlaha guud, dhulka iyo guryeynta.

Ololahan oo shalay subax uu horkacayay agaasime ku xigeenka waaxda guryaynta mudane C/Raxmaan Xasan Ismaciil oo ay ku weheliyaan shaqaalaha dardar galinta kirada guryaha dawlada ayaa soo qufulay kira diidayaasha guryaha dawlada iyo meheradaha ee ay kiradu ku waajibtay.Ololahan oo socon doona mudo isbuuc ah ayaa looga gol leeyahay sidii loo kobcin lahaa dakhliga dawlada.

 

 

Leave a Reply