Masuuliyadda Khasaarihii Ka Dhashay Mudahaaradka Waxa Leh Xisbiyada Mucaaridka oo ka Baxay

0
288

Hargeysa(Dawan)-Wasiirka Wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta, ahna afhayeenka xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland Md. Saleeban Yuusuf Cali Koore oo ka hadlay mudaharaadyadii khasaaraha iyo rabshadaha sababay ee ka dhacay dalka khamiistii, ayaa sheegay in masuuliyadda khasaarihii ka dhashay mudaharaadkaasi ay qaadayaan hogaamiyeyaasha xisbiyadda WADDANI iyo UCID oo uu sidoo kale tilmaamay inay ka baxeen heshiiskii loogu ogolaaday inay xarumahooda lixda gobol ee waaweyn ku qabsadaan dibad-baxyada selmiga ah.

Dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay mudaharaadyo ka dhacay gobolada dalka, waxaana dadka ku dhaawacmay ku jira askar tiro badan oo ay taageerayaasha labada xisbi mucaarid waxyeello u geysteen, kaddib markii ay Ciidanku ku xakameeyeen goobihii loo cayimay inay dibad-baxyada ku qabsadaan.

Afhayeenka Xukuumadda, ahna wasiirka warfaafinta, ayaa cadeeyey in khasaaraha uu geystay mudaharaadka xisbiyada mucaaridku uu yahay mid dersi uga noqonaya qaranka qiimaha nabad-gelyada iyo xasiloonida, in lagu taamilo qaatana loo baahan yahay ilaalinteeda.

Md. Saleebaan Cali Koore waxa uu ku nuux-nuuxsaday inay xisbiyada mucaaridka ah si cad uga baxeen balanqaadyadii loogu fasaxay banaanbaxyada, waxaanu yidhi “Xisbiyadda mucaaridku waxyaabihii aanu ku heshiinay ee ay balanqaadeen way jabiyeen, goobihii loogu cayimay inay ku qabsanayaan dibad-baxyada way soo dhaafeen, ciidanka Booliska iyo ciidamadana dhegbay u dhigi waayeen.

Xukuumad ahaan waxaanu qof kasta oo reer Somaliland u sheegaynaa in qarankani inoo wada adeeggayo, danna inoo wada yahay. Xisbiyadda mucaaridku waxay dalbadeen banaanbax nabad-gelyo oo ay ku qabanayaan xafiisyadooda, waanay jebiyeen waxaana ka markhaati ah umadda reer Somaliland qof kastaana wuu ogyahay. Khasaarihii ka dhashayna iyagaa qaadaya”

Wasiirka ayaa isagoo hadalkiisa wata intaasi raaciyey inay xukuumaddu ka xuntahay dhibaatooyinka shacbiga ka soo gaadhay khasaarihii mudaharaadka “Ilaa iminka belaayo hadba meesha ay taagan tahay ayey ugu khasaare yartahay, waxaanan umadda ugu diidaynaa in khasaare soo gaadho. Qof kasta oo dhibi ka soo gaadhay wixii dhacayna waanu ka xunahay, si islaamnimo, masuuliyad iyo waddaniyad leh ayaanu uga xunahay, waxaana dhibaatadaasi dhacday masuuliyaddeeda leh cidii ka baxday wixii lagu heshiiyey”

Wasiirku waxa uu shacbiga u jeediyey inay ixtiraamaan Ciidanka amniga “Ciidanka Boolisku innaguu inoo adeeggayaa, waaka amnigeena sugaya, waxaan leeyahay Ciidanka hala dhowro oo milgaha uu leeyahay hala mariyo”

 

 

 

Leave a Reply