Raheem Sterling oo Sharaxay Sababtii uu uga Tegay Man City Xagaagan

0
321

Weeraryahanka Chelsea Raheem Sterling ayaa sharaxay ka tagista Manchester City xagaagan.

Sterling ayaa sheegay in sababtii uu uga tagay Man City ay ahayd in uu raadiyo koox uu joogto ugu ciyaaro.

“Qof ahaan waxa aan jecelahay in aan guulo gaadho, waxa aan dareemay in wakhtiga ciyaaristayda Man City ay yartahay, ma doonayn in aan wakhti iska lumiyo, markii aan dib u eegay ma doonayn in uu heerkaygu hoos u dhoco waxa ana doonayay i  uu kor u socdo”.

“Tan ilaa markii aan 17 sano jiray waxa aan ahaa xiddig joogto u ciyaara,laakiin si aad u gaadhid halka ugu saraysa heerkaaga isla markaas aan si joogto ah u ciyaaro waxa aan aqbalay in aan isaga tago Man City oo aan is badal sameeyo”.

“Aad ayaan ugu faraxsnaa Man City laakiin sanadkii hore ma aanan u ciyaarin si joogto ah sidaas darteed waxa aan qaatay go’aan u fiican aniga iyo qoyskayga”ayuu sii raaciyay.

Xiddiga Raheem Sterling ayaa kooxda Man CIty kula guulaystay koobab badan oo ay ka mid yihiin tartanka premier League oo uu dhawr mar kula guulaystay.

Leave a Reply