Real Madrid oo Weeraryahan Cusub oo Barca Hore ugu soo Ciyaaray la Wareegaysa

0
228

Real Madrid ayaa la filayaa inay ugu dambayn weeraryahan kala wareegto suuqa xagaagan balse maaha mid bedel iyo kaabis u noqon doona Karim Benzema.

Sida uu sheegayo wargeyska Mundo Deportivo, Real Madrid ayaa la heshiisay weeraryahan Iker Bravo oo ah 17 sano jir hore kuliyada barbaarinta Barcelona ee La Masia usoo maray isla markaana sanadkii ugu  dambeeyay kusoo qaatay Bayer Leverkusen.

Bravo ayaa xilli ciyaareedkii hore kulankiisii koowaad ee Bundesliga soo ciyaaray isaga oo 11 daqiiqo soo metelay Leverkusen balse inta badan qayb ka ahaa kooxda 19 sano jirada ka yar ee Leverkusen.

Iker ayaa 12 kulan oo uu halkaas kusoo ciyaaray xilli ciyaareedkii tagay afar gool iyo saddex caawimo soo sameeyay halka uu xulka 17 sano jirada ka yar ee Spain 11 gool ugu soo dhaliyay 14 kulan.

Atletico Madrid ayaa sidoo kale xiisaynaysay Iker Bravo laakiin wuxuu u muuqdaa mid doortay Los Blancos, si kastaba kooxdaas ayaa 17 sano jirkaas u caddaysay qorshahooda ah inuu da’yartooda ku biirayo xilli ciyaareedka ugu horreeya oo uu kahoos shaqayn doono tababare Raul Gonzalez.

Bravo ayaa ah weeraryahan si weyn looga qiimeeyo Spain waxaana loo arkaa weeraryahan dhammaystiran oo aan kaliya goolal dhalin balse sidoo kale samayn kara.

Leave a Reply