Chelsea oo Christian Pulisic kusoo Bedelaneysa Xiddig Wacdarro ka Dhigaya Horyaalka Serie A

0
83

Chelsea ayaa lagu soo waramayaa inay xiiseyneyso heshiis isdhaafsi ah oo u keenaya in Christian Pulisic uu aado Roma halka xiddiga diirada u saaran Tottenham Nicolo Zaniolo uu aado Stamford Bridge.

Xiddiga reer America ee Blues ayaa aad uga careysan waqtigiisa garoonka Stamford Bridge, waxaana laga yaabaa in wadadii uu u mari lahaa kooxda uu sii xirmay ka dib markii ay la soo wareegeen Raheem Sterling.

Chelsea ayaa raadineysa dookhyo badan oo dhanka weerarka ah ka dib markii ay ka tageen Timo Werner iyo Romelu Lukaku.

Kiiska ah in kooxda ay u baahan tahay weeraryahano cusub ayaa hoosta laga xariiqey ka dib guushii ciriiriga aheyd ee ay ka gaareen Everton todobaadkii hore.

Hadda wararka ayaa sheegaya inay isha ku hayaan ninka aadka loo qiimeeyo ee Nicolo Zaniolo.

Calciomercato ayaa ku warameysa in Blues ay door bideyso heshiis is dhaafsi, kaasoo u ogolaanaya inay iska iibiyaan Pulisic oo ay ku soo bedeshaan xiddig ay u arkaan inuu ka fiican yahay.

Zaniolo ayaa lala dhacay qaab ciyaareedkiisa Roma xilli ciyaareedyadii u dambeeyay, isagoo dhaliyay goolkii guusha ee kulankii finalka Confererence League ee Feyenoord.

Xiddigaan ayaa la filayay inuu ku biiro Tottenham xagaagan laakiin waxaa daqiiqadii ugu danbeysay ka horjoogsaday tababarahoodii hore Jose Mourinho.

Leave a Reply