Golaha Degaanka Caasimada oo Degmadii 9aad ugu Wanqalay Mujaahid Gacma Dheere

0
390

Hargeysa (Dawan) Waxa shalay soo gabagaboobay Kalfadhigii 5-aad ee Golaha Deegaanka Caasimadda Hargeysa, oo ka qabsoomay xarunta dawladda hoose. Xildhibaannada golaha deegaanka ayaa cod ku ansixiyey degmo cusub oo kusoo biiri doonta 8-da degmo ee caasimada hargeysa ka kooban tahay. Intii Kalfadhigu socday waxa uu Goluhu warbixno ka dhagaystay Maayarka Caasimadda, Sidoo kale wuxuu Goluhu ka dooday.

  1. Shaqada Guddi Hosaadyada Golaha Deegaanka.
  2. Wax ka badalka Tacrifadaha Cashuuraha.
  3. Xeerka Parking-ka caasimadda Hargeysa.
  4. Wax Kabadalka Iyo Kaabista Xeerka Tagaasida.
  5. Xeerka Shaqaalaha DHH.

Intii Kalfadhigu socday waxa uu Goluhu Ansixiyay Habraaca Dhul Bixinta DHH, Sidoo kale waxaa cod gacan taag ah lagu Ansixiyay Xadka Iyo Magaca Degmada 9-aad ee laga jarayo Degmada Ibraahim Koodbuur ee ay soo Gudbiyeen Gudidii loo Xil saaray ka soo tala bixinta samaynta Degmada Cusub, Waxaana Magaca Degmada laysla gartay in loogu Magac Daro Mujaahid Maxamed Xasan Aadan (Gacma-Dheere) waxaana magaca Degmadu noqonayaa Degmada Gacma Dheere.

Xigasho: Waaxda Warbaahinta Dawladda Hoose ee Caasimadda Hargeysa

 

 

Leave a Reply