Waxgaradka Gobolka Togdheer oo Xukuumadda ku Taageeray Adkeynta Ammaanka Dalka

0
240

Burco (Dawan)- Gudoomiyaha gobolka Togdheer Maxamed Cabdillaahi Ibraahin, Taliyayaasha ciidamada Boolisk, Milatariga iyo Asluubta ayaa kulan la qaatay cuqaasha iyo waxgaradka gobolka Togdheer. Kulankaasi ayay ujeedadiisu ahayd sidii mool looga soo wada jeedsan lahaa cid kasta oo ammaanka khatar ku ah.

Kulankan ayaa la iskaga xogwaraytay mudaharaadkii rabshadaha watay ee ka dhacay qaar ka mid ah gobolada dalka, kuwaasoo ay dhigeen Xisbiyada Mucaaradka ah, kaasoo ahaa Mudaharaad fidno ah oo bulshada iyo Ciidamada Booliskaba dhibaato loogu geystey.

Kulankaasi ayaa markii uu soo dhammaaday waxaa bulshada farriin u diray qaar ka mid ah cuqaashii iyo waxgaradkii shirkaasi ka qayb galay, waxanay bulshada ku booriyeen in ay ilaashadaan nabadgelyada, islka markaana meel uga soo wada jeestaan cid kasta oo khatar ku ah ammaankooda.

Waxaana ka mid ahaa hadaladoodii “Maanta waxaanu halkan ku qabanaynaa shir jaraa’id oo ka turjumaya nabadgelyada, maslaxadda iyo wanaaga Somaliland haddaanu nahay cuqaasha gobolka Togdheer, waxaanu ku baaqaynaa, waxaanu soo jeedinaynaa waa maslaxad. Dadka dhibaato ma dhex taallo, waxa jiraa waa siyaasad, taasna waxaanu leenahay waxaanu idiinku baaqaynaa nabad, waxaanu idinka codsanaynaa adkaynta nabadgelyada,”

Sidoo kale cuaaasha iyo waxgaradka gobolka Togdheer waxay baaq u direen xisbiyada mucaaridka ah iyo bulshada reer Somaliland waxaana hadalladoodii ka mid ahaa “Bulshada reer Somaliland iyo xisbiyadaba waxaan ugu baaqayaa nabadgelyo. Waxaan leeyahay anaga ayaa cuqaashiini ah ee maanta na maqla oo naga talo qaata, waxaanan idiinku baaqayaa nabadgelyo inaad ku fadhidaan”

 

Leave a Reply