Hambalo, Mahad-celin iyo Gudoon” Dr. Maxamuud

0
472

Waxaan hambalyaynayaa Dhamaan Masuuliyiin Gudoomiyaha Haya’ada Dhawrista Tayada JSL Mudane: Muqtar Maxamed Cali u Cug-tay Masuuliyadaha Kala duwan ee ka dhalanaya xilalka kala Duwan ee aanu gacan-yaraha ugu nahay Guddida Hay,ada Dhawrista Tayada JSL.

Waa Sunaha dawladnimada is-kubedelka Masuuliyinta iyo adeegayaasha bulshada.

Waxaan gudoomay oo qaaday Masuuliyada Ka Dhalanaysa Xilka Isu-duwaha Haya”ada Dhawrista Tayada JSL Xafiiska Gobolka Maroodi-jeex ee Xaruntiisu tahay Caasimada JSL ee Hargaysa.

Marka Kowaad Allah Mahad leh, Marka Labaad waan uga Mahad-celinayaa Gudoomiyaha Haya’ada Dhawrista Tayada JSL Masuuliyada Cusub ee uu ig-maday.

Waxaan Sidoo Kale u Mahad-celinayaa Gudoomiyihii hore ee Hay’adda Dhawrista Tayada JSL, Somaliland Quality Control Commission Mudane: Muuse Xasan X. Yuusuf oo Tiroba Afar-Jeer ii kala Mag-caabay

  1. Xubin ka mid Gudida Farsamada ee Dawooyinka iyo Kos-Matiga.
  2. Maddaxa Diwaan-gelinta iyo Shahaadooyinka ( Mudo Saddex Sano ah ayaan Masuuliyaa hayey).
  3. Agaasimaha Waaxda Hubinta Tayada iyo Heer-tayeedka (Mudo hal-sano ku dhow ayaan Masuuliyada hayey).
  4. Isuduwaha Haya”ada Dhawrista Tayada Gobolka Saaxil ( laba Sano iyo Dheeraad Mudo ah ayaan Masuuliyada hayay).

War-bixinta iyo Wax-qabadkii Labadaa Sano noo hir-galay Waxa aan kaga hadli-doonaa Maalinta Xil-wareejinta Insha Allah.

Dr. Maxamuud Saleebaan X. Ducaale

Isuduwaha Haya’ada Dhawrista Tayada Gobolka Maroodi-jeex Hargaysa, Somaliland.

 

 

Leave a Reply