Todobaadtankii (70-aadkii) ayuu unkiddii suugaantiisu sida shamaca uga soo daalacdey waddankii la isku odhan jirey Soomaaliya, xiligaasi waxuu ahaa mar laga soo doogey fakhri, abaaro iyo waxbarasho la’aan badan, dadkeenu waxay u oomanaayeen cid ku jiheysa hab-dhaqan koodii ay ku soo barbaareen oo la waafajiyo suugaanta casriga ah.
Allaah ha u naxariistee Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi waxuu ka mid ahaa raggii suugaanta Soomaalida ku xardhey madadaalada, waxbarashada, wax-wada qabsiga, horumarka, iyo ilaalinta hantida ummadda. AHN Hadraawi waxay Suugaantiisu kasbatey quluubta dadyowgii Soomaalida ee gumaystayaashii Afrika qeybsadey kaga tegeen dhaqanadooda, xiliyadaasi waxay ahaayeen goor dunida ay aad uga socdaan heesahu, inkasta oo ay jireen heesahii qaraamiga ahaa ee ay juhdiga badan ku bixiyeen raggii heelada Soomaalida seeska u dhigey, haddana guryaheena waxaa laga dhageysan jirey heesaha Maraykanka iyo kuwa Suudaaniga ama guud ahaan Carabtaba
Bulshada Soomaalidu barigaas waxay Rax la ahaayeen Jacaylka oo safmar ku ahaa dareenkaas waxaa gudbin jirey heesaha Abwaan Hadraawi waxuu ahaa raggii afkeena, dhaqankeena ku xardhey, kuna macaaneeyey heelooyin keena, waxaana sidaas lagaga maarmey heesahii shisheeyaha.
Heesta Jacayl dhiig ma lagu qorey, Baladweyn iyo Indho-deeraley ayaa ka mid ahaa, Amuurahaasi waxey si fiican isugu duba rideen hab-dhaqanka ummaddeenu in uu noqdo mid jihaysan, kaas oo hanaan casriya loogu gudbiyo hurumarinta qeybaha kala duwan ee bulshada, doorkaas Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame ka ciyaarey wacyiga ummaddaas waxuu sababey in magaciisa ay bartaan carruurta maqasha raacda.
Xusuusihii ugu saameynta badnaa waxaa ka mid ahaa heesta Hooyo, taas oo ummadda Soomaalida kaga tagtey raad quluubtooda ku nagaatey, waxaa iyagana aan la iloobi karin maansooyinkii siyaasiga ahaa ee abwaaniinta indheer garadka ahaa ku cabbirayeen xaaladaha waddanku marayo waxaa lag sheegi karaa Hadraawi iyo Cabdi Aadan Xaad ‘Cabdi Qays’ suugaantii dahsooneyd ee afgarashada aheyd, sida Heeso kaftan, jacayl iyo siyaasad isugu jira, qaarkoodna waxaa ku luuqeeyey hoobalkii Maxamed Mooge Liibaan.
Silsiladahii suugaanta ahaa ee lagu toosinayay nidaamkii dawladdii Soomaaliyeed, sida Siinley iyo Deeley oo Hadraawi iyo Gaariye kala bilaabeen ayuu Marxuumku ahaa raggii hogaanka u hayay.
Waxaa iyaguna jirey suugaan lagu cabbireyay xoriyaadka aasaasiga ah iyo sida aragtiyaha wanaagsani u hanaqaadaan oo halgan suugaaneed isaga iyo Abwaaniin kala ummadda la wadaageen.
Abwaanku waxuu door shariif ah ka qaatey sidii loo sixi lahaa qolyihii hogaaminayay kacaankii Soomaaliya, halkaana waxaa ka curatey suugaan qiimo badan oo shidaal u noqotey dadaaladii lagaga xoroobayay rajiimkaas dooxatada ahaa.
Halgankii ummaddeed ee dibadda looga baxey dalkii Soomaaliya, Hadraawi waxuu ahaa isha ay ka soo burqadaan hadaafta lagu dagaal gelayo ee ka imaneysay kaadiriintii SNM Abwaanku waxuu curiyey guubaabooyin uu xaq udirirku raashinka dhigto, waxaana ka mid ahaa maansada Hambaabir.
Marxuum Hadraawi waxuu lahaa maansooyin lagu kobcinayo quluubta, garaadka iyo hiigsiga bilow aadamka oo aad looga jecleystey geyiga Soomaalida, waxaana ka mid ah maansooyinka Sirta nolosha iyo Ubax.
Hab farshaxan oo maahmaaho, xigmado iyo hoga-tusaaleyn ah ayuu suugaan badan ku qeexey ahaanshaha, lahaanshaha umadaha muslinka iyo ummadda Soomaalida oo dhan.
Saaxiibtinimada AHN Abwaan Hadraawi waxuu ku ahaa qani waxaa lagu xusuustaa sida hagar la’aanta ah ee maansooyinkiisa uu qeyb libaax uga siiyey hal-qabsigooda raggaas, waxaan ka xusuustaa Gaariye, Rashiid Gadhweyne, Boobe, Gurxan, Xasan Guure, Ibraahim Gadhle, Digaale, Hure, Xasan Ganay, Muuse Aaye, Burhaan, iyo haldoor iyo suugaan dhaadhi badan oo aanan halkan ku xusin.
Waxaa daliil iyo qanaaco laga dhigtaa maansooyin uu inoogu sheegayo awoodaha Allah iyo toosnaanta aadamaha laga doonayo, sida maansadii Daba huwan oo kale, waxaan la hilmaami karin in Marxuum Abwaan Hadrawi xiliyadii danbe waxuu xooga saarey in uu arrimaha nabadda, Ilaalinta deegaanka, dhismaha qoyska, bulshada iyo in ummadda laga badbaadiyo dhaqan xumada.
Allaah ha u naxariistee Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi waxuu inooga tegey dhiganayaal ay ku dhiteysan yihiin suugaan laga dheehan karo taariikhda qarniyadii tegey Abwaanka, waxaa iigu danbeysay mar aan kula kulmey Jaamacada Burco, intaas ayaan ku soo koobayaa waxii aan ka xasuusto. Allaah how naxariisto maanta ayaa marxuumka lagu aasey magaalada Hargaysa.
Waxaa Qorey Mustafe Maxamed Nuur ‘Dheereeye
Mdhereye1@gmail.com