Sh. Almis: Abaalmarinta ugu Mudan ee Bulshada ku Leeyahay Hadraawi

0
487

Hargeysa (Dawan)- Sheekh Almis Sheekh Yaxye ayaa bulshada ugu baaqay in abaalmarinta haldooradu inta ay noolyihiin iyo marka ay dhintaan bulshada uga baahan yihiin tahay in afkaarahooda iyo wanaaga ay sheegeen la weeleeyo oo lagu dhaqmo.

Sheekh Yaxye oo khudbadii Jimcaha shalay ka dib hadal kooban ka jeediyey ayaa ugu horeyn bulshada u canaantay inay ka gaabiyeen waajibkii qofka islaamku ku lahaa walaalkiisa islaamka, oo ka mid tahay inuu booqdo marka uu xanuunsado, waxaanu yidhi,

“Yaa u iman jirey hadraawi, waata xaley (habeen hore) durbaanada loo wada garaaceyee”

Sheekh Almis oo ka hadlayey dadka haldoorka ummada ah iyo waxa ay uuga baahan yihiin bulshadooda intay nool yihiin iyo marka ay geeryoodaan, ayaa sheegay in Hadraawi faylasoofyada ummada ka mid ahaa, marwalba dhexdooda joogay, xaalad kasta oo ay ku jireen,

“markii aynu gaajoonaynay, markii aynu qaxnay, markii aynu isku-dhexyaacnay, marwalba wuu inna dhexjoogay, xoolo innagama qaadan, xilna innama weydiisay”

Sheekh Almis ayaa sheegay in dadka Hadraawi noociisa oo kale abaalmarinta ugu mudan ee ay bulshadooda ku leeyahiin kana filayaan waa wanaagii ay farta uugu fiiqeen, baraarujintii, wacdigii iyo waanadii ay inoo sheegeen inaan barrano oo ku dhaqanno, oo aanay madadaalo keliya innaga noqon.

“Waa in la tifatiro oo jaamacada lagu dhigo, oo rugaha akhriska la dhigo, tusaaleyaal iyo halhaysyo laga soo saaro afkaarahii uu ka tegay”

Waxuu sheegay in dunnida horumartay ee Yurub keliya lahaayeen haldooro tirsan oo sagaal gaadhayey, laakiin gaalkii caddaa waxuu sameeyey inuu haldoorkoodii iyo faylasoofkoodi waxii ah ka tageen way qoreen oo jaamacadahooda ayaa ilaa wakhtigan lagu dhigtaa.

 

 

Leave a Reply