Arsenal oo ka mid Noqotay Liiska Kooxaha UEFA ay Ganaaxayso & Dambiga Halista ah ee Loo Haysto

0
223

Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa soo gashay liiska naadiyada uu xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA isha ku hayo ee ay suurtogalka tahay in lagu soo rogo ganaaxyo sababi kara in laga mamnuuco inay ciyaartooyo iibsan karto suuqyada soo socda, kaddib markii ay jabisay sharciga dhaqaale wanaagga.

Gunners ayaa sannadihii ugu dambeeyey maalgelin weyn ku samaynaysay kooxdeeda, waxaana xagaagii hore £140 milyan oo Gini kusoo iibsadeen Ben White, Aaron Ramsdale, Martin Odegaard, Takehiro Tomiyasu, Albert Sambi Lokonga iyo Nuno Tavares oo dhamaantood yimid Emirates Stadium.

Xagaagan aynu ku jirno ayaa mar kale ay Arsenal suuqa ku qarqisay lacag, waxaanay lasoo wareegtay shan ciyaartoy iyaga oo waliba doonaya inay hal ama laba ciyaartoy oo kale keenaan London.

Saxeexoodii koowaad ee xagaagan ayaa ahaa da’yarka reer Brazil ee Marquinhos oo ay £3 milyan oo Gini kaga soo iibsadeen Sao Paulo, waxaanay ku xigsiiyeen Fabio Vieira oo £34 milyan oo Gini ay kaga soo qaateen FC Porto, goolhaye Matt Turner oo ay kasoo bixiyeen £5.75 milyan oo Gini iyo labada xiddig ee Manchester City uga yimid  ee Gabriel Jesus  iyo Oleksandr Zinchenko oo £77 milyan oo Gini ay kusoo qaateen.

Marka la isku geeyo lacagta ay xagaagan kharash-garaysay Arsenal, waxay sare u dhaftay £120 milyan oo Gini, taasina waxay keentay in lagu daro liiska kooxaha ay UEFA sida dhow ula socoto ee ay suurtogalka tahay inay jabiyeen sharciga FFP ee dhaqaale-wanaagga, taas oo haddii ay dhacdo ay ciqaab adag mari doonaan.

Arsenal ayaa la sheegay in saddexdii sannadood ee ugu dambeeyey ay ku jirtay khasaare oo lacagaha ay bixinaysay ay aad uga badnaayeen dakhligooda, waxaana lagu soo warramayaa in ay khasaartay lacag ka badan £213 milyan oo Gini, waana sababta ay UEFA indhaha ugu hayso ee ay u doonayso inay ganaaxyo saarto.

Sidaas oo ay tahay ayay Arsenal raadinaysaa ciyaartooyo kale, waxaana lala xidhiidhinayaa Youri Tielemans oo Leicester City ka tirsan oo qiimihiisa lagu sheegay £25 milyan oo Gini iyo weeraryahanka Wolves ee Pedro Neto oo £50 milyan oo Gini lagu fasaxayo.

Leave a Reply