“Waxa Wadankeena ku Duugan Magaalooyin Dumay oo Taariikhdii Bini,aadamka laga tixraacayo,”Wasiir Saajin

0
270

Hargeysa (Dawan):-Wasiirka Wasaarada Ganacsiga iyo dalxiiska Somaliland  Maxamuud Xasan Sacad Saajin ayaa sheegay in dalka Somaliland ay ku yaallaan goobaha laga ticraaco taariikhdii Bini,aadamka.

Maxamuud Xasan Sacad Saajin ayaa  tilmaamay in Wadankeenu  qani ku yahay  waxyaabo badan oo  dalxiiska ku wanaagsan,

Maxamuud Xasan Saajin ayaa hadalkan ka jeediyay Munaasibad Shalay xadhiga uu kaga jaray  dhismayaal laga hirgaliyay  goob dalxiiseedka Laas-Geel.Waxaanu yidhi”Wax badan in laga qabto ayay u baahantahay Laasgeel waxna waan ka qabanay dayr iyo Guryo ayaanu ka dhisnay,muddooyinkii ugu dambeeyay waxa hawl wayn nala waday Dr.Muuse Jaamac waanan ka rejaynaynaa in hawlo kale uu nala qabto.waxa wadankeenu qani ku yahay waxyaabo faro badan,waxaana jira dhawr nooc oo dalxiiska soo jiita.waxaana ku yaalla Magaalooyin dumay  oo taariikhdii Bini,aadamka laga tixraacayo oo wadankeena ku duugan ayaa jira,”.

Sidoo kale Wasiirka ayaa  sheegay in Dalxiisku uu  ka mid yahay waxyaabaha Umaduhu dakhliga ugu weyn ka helaan.Waxaanu yidhi”Waxaana Wadankeenu leeyahay xeebahaa dheer oo ah meelaha lagu dalxiiso,waxa kale oo  aynu leenahay Jasiirado.waxaana Wadankeena la diwaangaliyay  boqol iyo dhawr iyo lixdan goobood oo dalxiis,waxyaabaha Umaduhu dakhliga ugu weyn ka helaan waa  dalxiiska muhiimadaas ayuu Dalxiisku leeyahay,”.

 

Leave a Reply