“Waxaan ku Hawl Gelaynaa in Waxyaabihii aynu Qorshaysanay ay sidoodii innoogu Qabsoomaan

0
206
Waxaan ku Hawl Gelaynaa in Waxyaabihii aynu Qorshaysanay ay sidoodii innoogu Qabsoomaan

Hargaysa (Dawan):-Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha dastuurka Somaliland Maxamed Xaaji Aadam Cilmi, ayaa magaaladda Hargaysa ka furay kulan dib loogu eegayo qorshihii wasaaradaasi ee sanadkan  2022-ka.

Waxaana kulankaasi lagu faaqidi doonaa mudadda uu socdo waxyaabihii u qorshaysnaa ee qabsoomay iyo waxyaabaha aan qabsoomin ee ku jiray qorshaha wasaaradda xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha dastuurka Somaliland.

Furitaanka kulankaasi waxaa ka soo qayb galay agaasimaha guud ee wasaaradda xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha dastuurka Deeqa Cabdi Yuusuf, iyo dhamaanba agaasimeyaasha waaxyaha wasaaradaasi.

Waxaanay waax waliba ku soo bandhigtay waxyaabihii u qabsoomay, waxyaabihii ka qabyoobay ee aan qabsoomin, iyo sababaha keenay in aanay qabsoomin, iyo fulinta qorshaha soo socda ee bilaha sanadkan ka hadhay.

Wasiir Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, oo furitaankii kulankaasi ka hadlay waxa uu yidhi “Waa maalin aynu isku qiimaynayno todobadii bilood ee la soo dhaafay ee sanadkan aan ku jirno ee 2022-ka, waxyaabihii wasaaradeena u qabsoomay, iyo bilaha sanadkan ka hadhay qodobadda aan qorshaysanayno”.

“Waxaynu eegi doonaa waxyaabihii inoo qabsoomay, waxyaabaha inoo hadhsan, wixii caqabado ah ee jira, iyo wixii xal laga gaadhi karro. Waxaanan ku hawl gelaynaa wixii aynu qorshaysanay in ay sidoodii inoogu qabsoomaan” ayuu yidhi wasiir Maxamed Xaaji Aadan Cilmi.

Geesta kale kulankani ayaa daba socday kulamo hore oo la qabtay, kuwaasoo ahaa kulamo farsamo oo lagu eegayay wasaaradda xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha dastuurka waxyaabaha u qabsoomay mudadda 7-da.bilood ee ah ee sanadkan 2022-ka ee ina dhaafay.

Iyadoo qorsheyaasha dib loo eegayo laga soo dheegtay qorsheyaashii ay hore wasaaraddu u diyaarisay bishii December ee sanadkii 2021-kii, qorshahaasi oo ku qotoma qorshaha guud ee qaranka Somaliland SNDP2.

Sidoo kale waxaa kulankaasi lagu faaqidi doonaa hiigsiga wasaaradda waxa la doonayo in la qabto bilaha ka hadhay sanadkan 2022-ka, sida ay sheegtay agaasimaha guud ee wasaaradda xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha dastuurka Somaliland Deeqa Cabdi Yuusuf, oo kulankaasi ka hadashay.

 

Leave a Reply