Dawladda Hoose ee Hargeysa oo Degsiimooyin Ganacsi oo ku Meel-gaadh ah u Samaysay 1287 Ganacsade

0
225

Hargeysa(Dawan):- Dawladda hoose ee  caasimadda Hargeysa,ayaa degsiimooyin ganacsi oo ku meel-gaadh ah u samaysay ganacsatadii ku tabaaloobay gubashadii Suuqa Waaheen.

1287 Ganacsade oo ku ganacsan jiray suuqa waaheen ayay shalay Dawladda Hoose ee caasimadda Hargeysa u samaysay afar degsimo oo ku meel gaadh  ah isla markaana ay hannaab bakhtiyaa nasiib ah ugu qaybisay.

Munaasibad si wayn loosoo agaasimay oo ay ka soo qayb galeen madaxda Dawladda Hoose ee Caasimadda Hargeysa oo uu hoggaaminayay Maayerka caasimadda Cabdikariin Axmed Mooge kuna weheliyeen ,maayer ku xigeenka Caasimadda Khadar Axmed Cumar,Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Jamaal Caydiid iyo Wasir ku xigeenka wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Muuse Ibraahin Salaf oo ka mid ah xubnaha gudida gurmadka dadkii ku tabaaloobay dabkii suuqa waaheen ee heer Qaran, xildhibaano ka tirsan golaha deegaanka iyo ganacsatada Bakhtiyaa nasiibka loogu qaybinayay afar suuq oo ku meel gaadh ah oo ay ku ganacsadaan ayaa lagu qabtay Hargeysa.

 

Afarta suuq ee ku meel gaadhka ah ee bakhtiyaa nasiibka loogu qaybiyay ganacsatada,ayaa kala ah suuqa beerta Xorriyadda,suuqa beerta Xariir,suuga laynka bilayska iyo suuqa Hadhwanaag.

Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland oo dardaaran faray ganacsatada suuqyada ku meel gaadhka ah la dejinayay,ayaa ku boorriyay in ay suuqyada qof kastaaba halka nasiibkiisu uu siiyo in uu dego oo magaaleeyo isla markaana uu aamino,waxaanu yidhi. “Waxaan idinkula dardaarmaynaa suuqyadaa la idin geeyya inta dhismuhu socdo in magaalada quruxdeedii iyo nabad gelyadeedii si ay inoogu qurux badnaato in aad u guurtaan oo aad ku negaataan qof waliba risiqa ALLE ayaa u qoray oo wixii loo qoray wuu helayaa e in aad idinku isu camirtaan,waana ku meel gaadh.”

Maayer ku xigeenka Caasimadda Hargeysa oo ka hadlayay dadka afarta suuq ee ku meel gaadhka ah la dejiyay,ayaa sheegay in ay yihiin 1287 qof oo ah kuwii ugu jilicsanaa ee aan meel na degin,waxaanu yidhi.” 1287-da qof ee afartaa suuq ee ku meelgaadhka ah la dejinaya waa dadkii ugu jilicsanaa eek u tabaaloobay Suuaqa Waaheen ee aan melena degin laakiin taa macnaheedu maaha in intan oo keliya ay yihiin dadkii ku waxyeeloobay ee dhibaatadu ka soo gaadhay  suuqa Waaheen,iyagana waxaanu leenahay haddii ay jiraan cid idinka mid ah oo meel degtay oo boos heshay waxaa jira qof walaalkaa ah oo aan melena helin kaana jilicsan ee u daa waa naftaada ka qaad oo naftaada u qaad  e,dad illaa shan kun oo qof  iyo dheeraad ah ayay dhibaato ka soo gaadhay,waxaa jira dad badan oo meelo kale oo ku meel gaadh ah sii degay oo kiraystay kuwaana waan u mahad naqaynaa,waxaanan rejaynaynaa inta suuqu inoo dhismayo iyaguna in ay meelaha ku meel gaadhka ah ee ay kiraysteen in ay ku sii negaadaan.”

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Somaliland Muuse Ibraahin Sala foo munaasibadda soo gunaanaday ayaa u mahad naqay dadka suuqyada ku meel gaadhka ah ee la dejiyay ugu deeqay marka laga reebo goobaha dawliga ah ee la dejinayo,waxaa kale oo uu u mahad naqay cid kasta oo gacan taakulayn ah u fidisay dadkii ku tabaaloobay suuqa waaheen.

Ugu dambayn waxaa uu caddeeyay in 1287 qof ee afarta suuq ee ku meel gaadhka ah la dejinayo in habka loogu qaybiyay uu yahay mid daah furan oo fagaaraha yaalla isla markaana qof kastaaba lambarka gacantiisu u soo qaaddo ee bakhtiyaa saniibka uu ku helo uu degayo.

Waxaana munaasibadda lagu soo gunaanaday 1287 da qof oo mid kastaa bakhtiyaa nasiibka gacantiisa kula soo baxayo.

 

 

 

 

Leave a Reply