Doorka uu Raphael Varane ka Qaatay ku Biirista Casemiro ee Man United

0
359

Difaaca dhexe ee kooxda Man United Raphael Varane ayaa lagu soo waramayaa inuu maalin kasta la hadli jiray Casemiro si uu ugu qanciyo inuu kula biiro Man United.

Varane iyo Casemiro ayaa ka soo wada ciyaaray Real Madrid intii u dhexaysay 213 ilaa 2021 wakhtigaas oo ay ku soo wada guulaystay afar champions Leagu.

Sida laga soo xigtay wargayska The Athletic, Man United ayaa saxiixa Casemiro uga mahad celinaysa Varane kaas oo maalin walba si joogto ah ula hadli jiray Casemiro si uu ugu qanciyo in uu yimaado Old Trafford.

Manchester United ayaa muddo saacado ah ku dhamaystirtay saxeexa xiddiga Casemiro, ka dib markii ay heshiis weyn u soo bandhigtay xiddiga reer Brazil.

Casemiro ayaa qalinka ku duugay heshiis afar sano ah oo uu ku joogi doono kooxda Old Trafford ku ciyaarta.

Leave a Reply