Newcastle oo Heshiis la Gaadhay Weeraryahan ay Waayeen Man United & Arsenal

0
283

Kooxda kubadda cagta Newcastle United ayaa heshiis la gaadhay weeraryahan ay raadinayeen kooxaha waaweyn ee horyaalka Premier League laakiin ay ku guuleysan waayeen saxeexiisa, kaas oo noqon doona ciyaartoygii ugu qaalisanaa taariikhda  Newcastle United.

Kooxda uu Sucuudigu lacagta badan ku maalgelinayo ee Newcastle United oo Axaddii barbarro 3-3- ah la gashay Manchester City ayaa gacanta ku dhigtay weeraryahan ay ku xoojinayso safkeeda oo lagu tilmaamo inuu ka  mid yahay kuwa ugu wanaagsan waqtigan Yurub.

Newcastle United ayaa shaacisay inay heshiis la gaadhay weeraryahanka reer Sweden ee Alexander Isak oo ay £63 milyan oo Gini kaga oo iibsanayso Real Sociedad, waxaanay labada kooxood si buuxda iskula meel dhigeen lacagta iyo heshiiska, iyadoo laacibkani uu hadda usoo xidh-xidhanayo inuu usoo duulo waddanka UK oo uu tijaabada caafimaadka ugu mari doono kooxdiisa cusub ee Newcastle.

Real Sociedad oo Sabtida la ciyaaraysa Barcelona ayaan liiskeeda ku darsan doonin Alexander Isak oo Khamiista iyo Jimcaha dhamaystiri doona tijaabada caafimaadka.

Kooxda reer Spain ayaa dhinaceeda ka xaqiijisay, inay aqbashay dalab £63 milyan oo Gini ah oo kasoo gaadhay Newcastle United, isla markaana uu weeraryahankeedani u wareegayo horyaalka Premier League.

Alexander Isak ayaa noqonaya saxeexii afraad ee ay Newcastle United iibsato xagaagan, halka uu ciyaartoygii ugu qaalisanaa kooxdana ka beddelayo Burno Guimaraes oo bishii January ay £41.5 milyan oo Gini kaga soo iibsadeen Lyon.

Newcastle United ayaa suuqii January lacago badan ku farraqday Guimaraes, Kieran Trippier, Dan Burn iyo Chris Wood oo beddelay awooddii kooxda oo tobanka sare ay ka mid noqotay.

Kooxaha Manchester United iyo Arsenal ayaa hore iskugu dayey saxeexa Alexander Isak xagaagii hore, hase yeeshee qiimaha qaaliga ah ee ay ku xidhay Real Sociedad ayaa ku qasbay inay dib u istaagaan.

Leave a Reply