Manchester United oo Dib u soo Iibsanaysa Weeraryahankii ay Hore ugu Khasaartay

0
245
Manchester United oo Dib u soo Iibsanaysa Weeraryahankii ay Hore ugu Khasaartay

Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa ka fiirsanaysa inay dalab ka gudbiso weeraryahan ay hore ugu khasaartay oo iyada oo lacag badan kasoo bixisay ku fashilmay Old Trafford, isla markaana amaah ay iskaga direen ka hor intii aanay ogolaanin inuu si rasmi ah uga  baxo.

Tababare Erik ten Hag ayaa raadinaya weeraryahan cusub oo uu kusoo kordhiyo safkiisa, waxaana hadda diiraddiisa soo galay laacibka ay isku waddanka yihiin ee Memphis Depay oo Manchester United usoo ciyaaray intii u dhaxaysay 2015-2017, laakiin ku jira liiska xiddigaha ay ku khasaartay United.

28 jirkan ayay Manchester United £31 milyan oo Gini kusoo iibsatay sannadkii 2015, waxaana waqtigaas calmaday Louis van Gaal oo filayay inuu wax  badan kusoo kordhinayo safkiisa, hase yeeshee 53 kulan oo uu dhaliyey toddoba gool oo kaliya ayaa laga iibiyey Lyon.

Sidaas oo ay tahay, Erik ten Hag ayaa la sheegay inuu qorshaynayo inuu dalab £8 milyan oo Gini ah ka gudbiyo laacibka reer Netherlands ee dulsaarka ku ah Barcelona, sida uu qoray wargeyska Marca.

Memphis Depay oo ay Barcelona suuqa dhigtay ayay u raadinaysay koox kala wareegta, waxaana lagu heli karayaa £8 milyan milyan oo Gini oo kaliya oo ay kooxda reer Spain ku iibinayso inkasta oo ay sannadka hor si bilaash ah kula saxeexatay.

Barca oo doonaysa inay dhinto mushaharka ciyaartoydeeda ee xadhkaha goostay ayaa waxay wada-hadallo kula jirtay Juventus si uu laacibkani uga tago, iyadoo waliba doonaysa inay kansasho heshiiskii ay kula jirtay, si ay u gududaydiso in si sahlan ay kooxaha kale ula wareegi karaan.

Manchester United ayaa si lama filaan ah ugu soo baxday liiska kooxaha danaynaya laacibkan, waxaase lasoo sheegayaa in Tottenham ay iyaduna doonayso inay isku daydo inay la saxeexato Memphis Depay, halka Arsenal ay iyaduna ku jirto kooxaha lala xidhiidhinayo.

Leave a Reply