Ecuador ayaa bilaawday baadhitaan ku aadan dilka 4-diin oo waaweyn oo ah nooca loo yaqaano Galapagos, kaasi oo dacwad oogayaasha ay ka cabsi qabaan in la ugaadhsaday hilib ahaan.
Hadhaaga Diinka ayaa laga helay beerta qaranka ee Isabela, oo ah jasiiradda ugu weyn jasiiradaha uu ku dhaqan yahay Galapagos.
Dilka xayawaankan dabar go’aya ayaa la mamnuucay tan iyo 1933-kii balse in ka badan 12 ayaa la ugaadhsaday labadii sano ee u dambeysay.
Hilibka Diinkan ayaa mar loo arki jiray cunto macaan, balse waxa lagu soo rigay cidii ugaadhsata in ay wajahayaan ilaa saddex sano oo xadhig ah.
Bishii Sebtembar 2021, ilaaliyayaasha Beeraha xayawaanka ayaa ka helay hadhaaga 15 Diin oo waaweyn oo laga helay Sierra Negra oo Isabela ah.
Sawirrada qolfoofyada madhan ayaa si weyn loogu wadaagay baraha bulshada waxaana ay cadho ka muujiyey dadweynaha Ecuador – oo jasiiradahan Galapagos ay caan ka yihiin – iyo meelo ka baxsan dalkaasba.
Cadeymo la ururiyay xiligaas ayaa sheegay in 15-ka xabo la ugaadhsaday hilibkooda.
Helitaankii ugu danbeeyey ayaa afar neef waxaanay taasi abuurtay cabsida laga qabo in dhaqanku uu sii socdo inkasta oo gebi ahaanba la mamnuucay ugaadhsiga.
Khubaradu waxay baadhitaanno ku samayn doonaan Qolfoofka iyada ii kooxaha ku takhasusay dambiyada deegaankuna ayaa soo ururinayaan markhaatiyada shaqaalaha seerayaasha qaranka.
Diinkan- weyn ee Galapagos waxay noolaan karaan in ka badan 100 sano, waxaana dunida tusay Khabiirkii Charles Darwin, kaas oo hormood ka ahaa wixii la odhan jiray aragtida Tadawarka ee baranaya.
Markabka Darwin waxa uu ku sii shiraacday, The Beagle, waxa uu safarkii dheeraa ee uu ka soo qaaday Galapagos ilaa Polynesia ka soo qaaday 30 qool oo nool. Badankooda waxaa cunay shaqaalihii markabka.
Waxaa hadda jira ilaa 15,000 oo ka mid ah qoob-ka-ciyaarka waaweyn ee adduunka, marka la barbardhigo 200,000 ee qarnigii 19-aad.