Xisbiyadda Mucaaradka Habdhaqankoodii waxa la yaabban Umadda,”Xoghayaha guud ee KULMIYE

0
353

Hargeysa (Dawan)Xoghayaha guud ee Xisbiga KULMIYE Faysal Cabdiraxmaan Madar ayaa sheegay in shacabka Somaliland la yaabban yihiin hab dhaqanka Xisbiyadda Mucaaradka.

Faysal Cabdiraxmaan Madar ayaa  sheegay in wax ku cusub dalka ay tahay dadkii   dhaqanka ahaa oo durbaanada dagaal tumaya,waxaanu usoo jeediyay in ay ku koobnaadaan hawlaha dhaqanka.

Faysal Madar oo Arimahaa ka hadlayayna Waxa uu yidhi”Waxaa innagu cusub baryahan dambe oo Wadankeena aan looga baran dadkii dhaqanka ee ay ahayd in ay Umadda kala qaboojiyaan oo durbaanada sharka tumaya,taasi wax aynu hore u aragnay maaha dhaqanka in ay ku koob naadaan ayay ahayd dhaqankooda.Siyaasiyiintii Xisbiyadda Mucaaradka habdhaqankoodii waxa la yaabban Umadii reer Somaliland iyo aduunwaynihii. qoriga qaata oo dagaalama hadal kaasi muxuu dhadhamayaa,ubadkii yaryarayaa ayaa la odhanayaa Mujaahidiin ayaa tihiin Mujaahidka maanu ahayn kii gaalada lala diriri jiray yaa lagu Mujaahidayaa,”.

Faysal Madar ayaa  sheegay in loo baahanyahay in shuruucda dalka u taalla la raaco.Waxaanu   yidhi”Waa in shuruucda dalka  la raaco,Mudaharaadku wuu kala qurux badan yahay waxaana ay kaga duwan yihiin Mudaharaadadii  hore hadii dadkii Xisbiyada Mucaaradka hoggaaminayay hor socdaan  Mudahraadka,sidee dalku inoogu hagaagayaa,wakhtigii uu Ururkii Xaqsoor uu dhacay  dhallinyaro ayaa rabshadaha riday madaxdii xaqsoor kulamay socon oo degenaanshaha iyo Nabada ayay ku baaqayeen,”.

 

 

 

Leave a Reply