Tabobarihii ugu Horeeyay ee Xilli Ciyaareedkan Premier League laga Caydhiyay

0
375

Horyaalka Premier League ayaa si dhab ah u bilaabmay iyadoo durba kulaylka ay dareemayaan qaar kamida tababarayaasha 20-ka kooxood ee xilli ciyaareedkan ku suntani.

Tababaraha kooxda AFC Bournemouth ee Scott Parker ayaa noqday midkii ugu horreeyay ee seeftu qaaday, kooxdaas ayaana haatan ku dhawaaqday inay shaqada ka caydhisay.

Cherries ayaa kulankii koowaad ee horyaalka guul ka gaadhay Aston Villa balse saddex guuldarro kala kulmay saddexda kooxood ee waaweyn ee kala ah Arsenal, Man City iyo Liverpool.

Kulanka ugu daran ayaa ahaa midkii ay Reds 9-0 ku xaaqday Cherries Sabtidii toddobaadkan taas oo qasabtay in caydhintiisu soo degdegto.

Tababaraha xiga ee culayska badani saaran yahay ayaa ah macalinka Aston Villa ee Steven Gerrard oo isaguna hal guul iyo saddex guuldarro ka haysta afartii kulan ee xilli ciyaareedkan ugu horreeyay isla markaana kaliya saddex kamida 15kii kulan Premier League ee ugu dambeeyay soo guuleystay.

Leave a Reply