Horyaalka Heerka Koobaad ee Kubadda Cagta Gobolka Gabiley oo Toddobaadkan Bilaabmay

0
261

Horyaalka heerka koobaad ee kubadda cagta gobolka Gabilay ayaa si rasmiya dorraad uga furmay garoonka Mo Farah ee gobolka Gabiley.

Horyaalkan ayaa waxaa ku loolamaya siddeed kooxood oo ka dhisan gobolka Gabilay. Sidoo kale waxa ka socda gobolka Gabiley horyaalkii heerka labaad ee gobolkaasi oo siddeed kooxood ku tartamayaan.

Tartankan horyaalka heerka koobaad ee ka furmay gobolka Gabiley ayaa ka mid ah tartamada heerka koobaad ee ka socda guud ahaan dalka, kuwaasoo qaarkoodna dhamaaday, qaarna ay ka socdaan gobollada iyo degmooyinka.

Siddeed kooxood oo ka dhisan gobolka Gabiley, isla markaana ku kala ciyaara magacyada hay’addaha kala duwan ee dawladda iyo shirkadaha gaarka ah ee dalka.

Garoonka Mo Farah oo lagu qabanayo horyaalka heerka koobaad ee gobolka Gabiley, iyadoo ay ku jiraan jadwalka horyaalka kulamo aad u xiiso badan oo todobaaddada soo socda la ciyaari doono.

Furitaankii tartanka horyaalka kooxaha heerka koobaad ee kubadda cagta gobolka Gabiley ayaa waxa ka qaybgalay masuuliyiinta ugu sarreysa wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha. Iyo sidoo kale hogaanka xidhiidhka kubadda cagta Somaliland.

Leave a Reply