Chelsea oo Si Rasmi ah ugu Dhawaaqday Heshiiska Xiddig ay ku Jabisay Rikoodhkii Iibka Premier League

0
232

Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa jabisay rikoodhkii Britain ee iibka ciyaartoyda iyada oo noqotay kooxda lacagtii ugu badnayd abid kharash garaysay hal xilli-suuq, waxaanay hadda si rasmi ah ugu dhawaaqday heshiiska difaaca reer France ee Wesley Fofana oo ay £70 milyan oo Gini kaga soo iibsatay Leicester City.

Fofana oo ay da’diisu tahay 21 jir ayaa Chelsea u saxeexay heshiis toddoba sannadood ah isaga oo noqday daafacii ugu qaalisanaa ee ay Blues iibsatay.

Ka hor intii aanu Wesley Fofana u saxeexin Chelsea, kooxda tababare Thomas Tuchel ayaa £193.1 milyan oo Gini ciyaartooyo kusoo iibsatay, waxaana tiradaas sare usii qaaday Fofana oo gaadhsiiyey £263 milayn oo Gini.

Kaddib markii uu saxeexay heshiiska ayuu Fofana la hadlay warbaahinta waxaanu yidhi: “Labadii maalmood ee ugu dambeeyey waxay ii ahaayeen kuwo weyn, aadna waan ku faraxsanahay.

“Saaka waxa aan tababarka la qaatay ciyaartoyda Chelsea, waxayna ii ahayd riyo ii rumowday. Aad ayaan ugu faraxsanahay in aan bilaabo u ciyaarista kooxdan iyo taageereyaashan.

“Waxa aan halkan u imid in aan koobab ku guuleysto – Champions League, Premier League, FA Cup, Carabao Cup iyo wax walba. Waxa aan halkan u imid in aan guuleysto, kooxdanna waxa loo dhisay in ay koobab ku guuleysato, sidaa darteed waxa aan halkan u joogaa in aanu sii wadno guulahaas.”

Mulkiilaha cusub ee Chelsea ee lacagta badan kharash gareeyey ayaa isaguna ka hadlay madashii warbaahinta loogu soo bandhigay Wesley Fofana, waxaanu yidhi: “Wesley waa difaac qiimo badan oo mar horeba tayadiisa ku muujiyey horyaalka Premier League iyadoo ay da’diisu yar tahay.

“Waanu ku faraxsanahay in aanu awoodnay in aanu Chelsea keeno mid ka mid ah ciyaartoyda ugu hibada badan Yurub, waananu sii wadaynaa in aanu xoojino kooxdayada xilli ciyaareedkan iyo kuwa badan ee xigaba.

Wesley Fofana ayaa ka tegay Leicester City oo bishii October ee sannadkii 2020 uu kusoo biiray, iyadoo waqtigaas ay Foxes kaga soo iibsatay Reims £17 milyan oo Gini oo kaliya, halka ay laba sannadood gudahood na kusii iibiyeen £70 milyan oo Gini.

Leave a Reply