Jaanacada Hargeysa oo fasalo cusub u bineysay Ardayda Master’s Degree-ga.

0
385

Hargeysa (Dawan) Jaamacada Hargeysa, ayaa fasalo cusub u dhistay ardayda heerka labaad ee Jaamacada (Master’s Degree-ga.) wax ka baranaya.

Dhismahani ayaa ah mid hab iyo hannaan casriya loo dhisay, isla markaana ka hor intii aan hawshiisa la bilaabin tallo badan ay ka yeeheen bahda Enjineerinka ee Jaamacada Hargeysa.

Sidoo kale dhismahan ayaa si fiican loo qalabeeyay, iyada oo laga fikiray nooca ay noqonayaan qalabka ardaydu wax ku baranayaan.

Geesta kale dhismahan ayaa laga maalgeliyay miisaaniyada Jaamacadda Hargeysa, waxaana xadhiga ka Jaray madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi.

Dhismahan ayaa ah mid wax weyn ka baddeli doona bilcda Jaamacada Hargeysa.

 

Leave a Reply