Maaliyadda iyo Wakiiladda oo iska Kaashanaya Wax-ka-bedelka Xeerka Maamulka Maaliyadda Qaranka

0
340

Hargeysa-(Dawan):- Kulan Hawleed Lagu Gorfaynaayo Wax ka Bedelka iyo kaabista Xeerka Maamulka Maaliyadda Qaranka Xeer Lr.75/2016 ayaa shalay lagu soo gebagebeeyey magaalada Hargeysa.

Kulankaas oo Wasaaradda Maaliyaddu soo qabanqaabisay kana soo qeybgaleen Gudida dhaqaalaha iyo Ganacsiga ee Golaha Wakiilada  Arbacadii  Huteelka Fish and Steak  ka furmay, ayaa ujeedadiisu ahayd kulan Bulsheed ku saabsan  wax ka bedel iyo kaabis lagu sameynayo Xeerka Maamulka Maaliyadda Dawladda.

Kulankaas oo ay ka soo qayb galeen Daneeyayaasha Dawladda ee Xeerkan iyo Bulshada rayidka ah.

Waxaana kulankaas hadalo ka jeediyay Guddoomiyaha golaha Wakiilada Mudane. Cabdirisaaq Khaliif Axmed, Wasiirka Wasaarada Horumarinta Maaliyada Dr Sacad Cali shire, Wasiir ku-xigeenka Maaliyadda Amb Rooda Jaamac Cilmi iyo Guddoomiyaha Gudida dhaqaalaha iyo Ganacsiga Mudane. Cabdirashiid Cabdilaahi Muuse (Cagoweyne) ayaa ka qayb galayaasha kula dardaarmay inay Xeerkan oo qaranka laf dhabar u ah ka qayb qaataan oo talooyinkooda ku biiriyaan wax ka bedelka Xeerka.

Wasiir-xigeenka Maaliyadda Marwo Rooda Jaamac oo hadal ka jeedisay ayaa sheegtay in xeerkani muhiim u yahay in hay’ad walba yeelato hanti-dhowr guddaheeda.

Wasiirka Maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire ayaa sheegay in maareynta maaliyadda qaranku ka bilaabmo siyaasada maaliyadda, oo bayaamisa qorshaha maaliyadda ee ay qeexdo miisaaniyadda dawladda.

Gudoomiyaha Wakiiladda Mudane. Cabdirisaaq Khaliif Axmed o ayaa dhankiisa iftiimiyay sida loogu baahan yahay xeerarka marka la sameeyo ee lagu shaqeeyo waxyaalaha ku soo kordha ee saamaynta uu ku yeelanayo kala xadeynta awoodahooda waxa ka mid ah hay’adda, sida Golaha Wakiiladda, Wasaaradda Maaliyadda, xisaabiyaha Guud, Hantidhowrka guud iyo Baanka Dhexe.

 

 

Leave a Reply