Dawladdaha Somaliland iyo Itoobiya oo kawada hadlay hirgelinta heshiisyo hore loogalay.

0
271

Adis-ababa (Dawan) Wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka Somaliland, Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa socdal ku tagay magaalada Adis-ababa ee caasimada dalka Itoobiya.

Wasiirka waxa safarkiisa ku wehelinayay maareeyaha wakaalada horumarinta waddooyinka, guddoomiyaha hay’adda caymiska, agaasimaha waaxda qorshaynta ee wakaalada horumarinta waddooyinka.

Sidoo kale waxa ay kulan la yeesheen wasiirka gaadiidka ee Itoobiya, iyaga oo kawada hadlay isu socodka gaadiidka labada dalk ee Itoobiya iyo Somaliland iyo hirgelinta heshiisyadii hore loogalay.

Gaba’gabadii wasiirka iyo waftigiisa ayaa booqday hay’adda waddooyinka dalka Itoobiya iyo dekadda qalalan ee lagu magacaabo Mojo oo ku taala duleedka Adis-ababa iyo xarunta shirkada caymiska Itoobiya.

Leave a Reply