Wasaaradda Deegaanka Somaliland iyo Hay’adda CCF Oo Goboladda Dalka ka Fuliyay Xog Ururin ku Saabsan Duur Joogta

0
325

Somaliland ayaa la tilmaamaa in ay kaalmaha hore kaga jirto dalalka sida sharci darrada ah looga ugaadhso, looga na dhoofiyo, isla markaana lagu dhibaateeyo duur joogta ku nool, taasoo ay ka mid yihiin noocyo adduunka ka sii dabar go’aya.

Waxaanay xukuumadda Somaliland dagaal dhinacyo kala duwan ah kula jirtaa wax ka qabashadda ugaadhsiga sharci darrada ah ee duur joogta, iyadoona shuruuc arrimahaasi wax lagaga qabanayo ay samaysay xukuumadda oo dhaqan gal noqday.

Hadaba, qormadeena todobaadkan ee DEEGAAN JIRRE, waxaynu ku soo qaadan doonaa wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda Somaliland iyo haayadda Cheetah Conservation Fund, ayaa dhawaan si wada jir ah gobolada dalka uga fuliyay xog ururin la xidhiidha duur joogta, iyo waxyeeladda deegaanka soo gaadhay.

Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Somaliland oo kaashanaysa haayadda CCF (Cheetah Conservation Fun), ayaa 22-kii bishii August, waxay goboladda dalka qaarkood ka fulisay xog ururin ku kaabsan dhibaatoyinka haysta Deegaanka iyo duur joogta ayay wasaaradu maanta ka samaysay gobolka Togdheer.

Waxaanay xog ururintani noqonaysaa tii labaad ee nooceedda ah oo ay wasaaradda iyo CCF ka wada fuliyaan goboladda dalka. Waxaana jirtay in isla 17-kii bishan August, ay xog ururin noocaas ah wasaaradda deegaanka Somaliland oo kaashanaysa haayadda CCF ka fulisay gobolka Saaxil.

Xog ururintaasi ayaa bulshadda magaalooyinka Burco, iyo Berbera, ku nool iyo sidoo kale masuuliyiinta goboladda iyo degmooyinka waxaa wax laga waydiiyay wixii macluumaad ama xog ah ee ay ka hayaan dhibaatooyinka lagu hayo noocyadda kala duwan ee duur joogta dalkeenna ku nool.

Maayarka Burco, C/risaaq Herro, oo xog ururinta ay wasaaradda Deegaanka iyo haaydda CCF wax ka waydiiyeen waxa uu ka warbixiyay gobolka Togdheer iyo xaaladda duur joogta, waxaanu yidhi, “Gobolka Togdheer, waa gobol aad u balaadhan oo ay ku nool yihiin dad xoolo dhaqato ahi, xayawaanno badan oo kale na ay ku nool yihiin…. In duur joogta si sharci darro ah looga ganacsado, sidii lagu go’aamiyay, go’aankii qaran ayaanu anagu na u taageersan nahay, oo anau u wadnaa.

U jeedadda u weyni waxa weeye, guud ahaan markii dadkeenu qorshe ka lahayn, xoolaha ay dhaqdaan maahee, xayawaanadda kale, waxaa dhacday in xayawaanadii kale ee aynaan Hilibkoodda cuni jirin, ama aynaan si kale uga manaafacaadsan jirin, in ay inaga qaxeen”.

“Meel xun bay inala maraysaa, oo ilaashan kari waynay xoolaheenii aynu dhaqanaynay, geedihii ay cunayeena Dhuxul baynu ka shidaynaa”.

“In seereyaal la sameeyo lagu baxsado xiliyadda abaarta ah, waan soo dhawaynaynaa, haddii ay qorshihiina idiinku jirto. Wasaaradda Deegaanku laba Seere ayay xidhay, mid Ban-cawl, oo Togdheer ka tirsan ah, iyo Arroori, oo isna ku yaalla gobolka Togdheer. Waana loo aayay labadaa Seere, xoolo aad u fara badan oo Geell, Lo’, Adhi, iyo Fardo, ah ayaana daaqay”.

Geesta kale cilmi baadhsitan laga sameeyay degmadda Sheekh ee gobolka Saaxil, waxaa isna ka warbixiyay agaasimaha waaxda duur joogta ee wasaaradda Deegaanka iyo isbedelka cimiladda Somaliland C/naasir Xuseen Siciid.

Agaasimaha oo ka mid ahaa xubnihii xog ururintaasi fulinayay ayaa markii ay magaaladda Berbera kulamadda kula yeesheen masuuliyiinta, iyo saraakiisha ciidamadda Badda ee Somaliland oo kala shaqeeya wax ka qabashadda dhoofinta duur joogta ee dhinaca xeebaha

Ayaa ka warbixiyay u jeedadda xog ururintaasi, “Waxaanu u soconay kooxdayadan ka tirsan wasaaradda Deegaanka iyo haayadda CCF, oo wasaaradda kala shaqaysa daryeelka iyo xanaanaynta duur joogta, gaar ahaana Harimacadka, waxaana imika u soconay xog ururin ah in la ogaado, sida ay deegaamadeena duur joogtu ugu nooshay, gaar ahaana Harimacadka, iyo duur joogta kale ba, iyo xaaladda guud ee deegaanka, iyo sida ay bulshadu u xiisaynayso ilaalinta duur joogta, iyo in aanu ogaado, noocyadda duur joogta ee  gobol walba laga hello.

Sidoo kale waxaa ku dhex jirta wacyigelin iyaduna ah, in dadka lagu wacyi geliyo sidii ay duur joogta, duurkeedda ugu ilaalin lahaayeen, oo aanu ugu tallo galnay, in waraaqo ay ku qoran yihiin fariimo wacyigelin ahi, lagu dhejiyo xafiisyadda dawladda ee gobolada iyo degmooyinka dalka, iyo meherradaha ganacsiga”.

Dhinaca kale qaybta labaad ee qormadeenta todobaadkan waxaan ku soo qaadan doonaa wasiirka wasaaradda Deegaanka iyo Isbadalka Cimilada Somaliland Shurki Xaaji Ismaaciil Baandare, ayaa digniin u dirtay dadka sida sharci darrada ah uga ganacsada Duur-joogta.

Shukri Baandare, oo warbaahinta la hadashay xafiiskeedda waxay sheegtay in sharciga la la tiigsan doono cid kastoo sifo sharci darro ah u ugaadhsatadda noocyadda kala duwan ee duur joogta.

Waxa kaloo ay wasiirku ka hadashay xaaladaha abaareed ee dalka ka taagan gaar ahaana bulshadda xoolo dhaqatadda ah ee u soo hayaamay goboladda galbeedka Somaliland.

Dadkaasi oo ka soo hayaamay goboladda Bariga dalka oo ay xaalad abaareed ka taagan tahay ayaa muddooyinkan danbe waxay u soo guureen goboladda Gabiley iyo Awdal, oo roobab ay dhawaan heleen.

Wasiir Shukri Baandare, ayaa ka sharaxday waxyaabaha sababay abaaraha iyo roob yaraanta sanadan danbe dalkeenna ka jirta, taasoo ay keentay am aka dhalatay isbedelka ku yimid guud ahaanba cimiladda aduunka.

 

 

Leave a Reply