Xuska Maalinta Akhriska iyo Qoraalka oo lagu Qabtay Hargeysa

0
254

Hargeysa (Dawan):- Xuska maalinta akhriska iyo qoraalka caalamiga ah ayaa lagu qabtay magaalada Hargeysa ee caasimada Jamhuuriyadda Somaliland.

Wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Somaliland, ayaa magaalada Hargeysa ku qabatay munaasibad lagu xusayay maalinta caalamiga ah ee akhriska iyo qoraalka adduunka oo sannadkasta adduunka laga  xuso 8 September.

Munaasibada waxa hadalo ka jeediyay qaar ka mid ah bahda qoraalka iyo akhriska, kuwaas oo sharraxay muhiimada qoraalku leeyahay, iyaga oo guud ahaan bulshada Somaliland u soo jeediyay inay kobciyaan akhriska iyo qoraalka.

Ugu danbayn munaasibada xuska maalintan loo sameeyay waxa ka soo qayb galay wasiiradda wasaaraddaha waxbarashada iyo beeraha, wasiir ku xigeenka waxbarasada iyo sayniska iyo  masuuliyiin kale oo ka tirsan wasaaraddaasi.

 

 

Leave a Reply