Iska Illow Messi, Verratti iyo Mbappe.” Neymar

0
414

Xiddiga reer Brazil ee Neymar ayaa magacaabay ciyaartoy ka tirsan Paris Saint-Germain oo aan ahayn Lionel Messi, Kylian Mbappe iyo Marco Verratti oo uu aad ula dhacay qaab-ciyaareedkiisa, kaas oo uu ka arkay qaab-ciyaareed ka duwan midka ciyaartoyda kale.

Neymar ayaa Parc des Princes kusoo dhaweeyey saxeexa cusub ee reer Portugal ee Renato Sanchez oo bishii August ay PSG kaga soo iibsatay Lille lacag gaadhaysa £10  milyan oo Gini oo lagu daray £3 milyan oo kale oo dheeraad ah oo ku xidhnaanaya bandhiggiisa iyo qaab ciyaareedkiisa.

Renato Sanchez ayaa kulankiisii koobaad ee PSG u ciyaaray  ciyaartii Montpellier ay 5-2 ku burburiyeen, waxaanu dhaliyey mid ka  mid ah goolashii kulankaas, isaga oo khadka dhexena ka sameynayay hal-abuur heersare ah.

Tababare Galtier ayaa Christophe Galtier ayaa boos joogto ah siiyey 25 jirkan, waxaanu ka mid noqday 11ka  ciyaartoy ee sida joogtada ah ugu soo bilaabanayay kulamadii xilli ciyaareedkan, waxaanay taasi keentay in isbeddel ku yimaaddo qaab-ciyaareedka kooxda oo ay kubbad-haynta iyadoo kulankii Juventus ee Champions League oo uu beddel ku yimid uu bandhig heersare ah sameeyey.

Neymar oo waraysi siinayay DAZN ayaa la weydiiyey ciyaartoyga kooxdiisa ee uu aadka ula dhacsan yahay xilli-ciyaareedkan ayaa ku jawaabay: “Ciyaartoy hadda uun nagu soo biiray: Renato Sanchez. Waa ciyaartoy ka duwan ciyaartoyda kale oo aad u wanaagsan. Nasiib ayaanu leenahay mar haddii uu nala joogo halkan, waxaanu naga dhigayaa koox wanaagsan.”

 

Leave a Reply