Hargeysa(Dawan):-Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland ahna Guddoomiyaha gudida caddaalada Garyaqaan Aadam Xaaji Cali ayaa Shalay dhaariyay Xildhibaan Suudi Suldaan Maxamed oo ka mid noqon doona Golaha Guurtida,ka dib markii uu ka dhintay Marxuum Jaamac Suldaan Maxamed Nuur,
Qoraal ka soo baxay Maxkamadda Sare ayaa lagu sheegay in Golaha Guurtidu ay Maxkamadda Sare u soo gudbiyeen, codsi ay ku dalbanayaan in Suudi Suldaan Maxamed loo dhaariyo Xildhibaan Golaha Guurtida ah si uu u buuxiyo ALLE Ha,u naxariistee Marxuum Jaamac Suldaan Maxamed Nuur booskii uu ka geeriyooday
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland Aadam Xaaji Cali waxa uu kula dardaarmay Xildhibaanka Cusub in uu qaranka ugu adeego, si daacad ah oo hufan, waxaanu ALLE uga baryay in uu u fududeeyo masuuliyada culus ee loo igmaday.