Magacyada Sagaal Ciyaartoy oo ay United Saxeexooda ka Dhaaratay Suuqii Xagaaga

0
241

Manchester United ayaa diiday sagaal ciyaartoy oo saxeexyadooda kooxahoodu usoo bandhigeen suuqii xagaaga. Kadib qaab gaabis ah oo ay xilli ciyaareedka ku bilawdeen ayuu tabobare Erik Ten Hag saxeexyo kale ka gaadhsiiyay horyaalka oo bilaabmay.

Red Devils ayaa awoodday saxeexa xiddiga shanta jeer kusoo guuleystay Champions League ee Casemiro si la mid ah Lisandro Martinez, Christian Eriksen, Martin Dubravka, Tyrell Malacia iyo Antony.

Sida uu haatan sheegayo saxafiga looga dambeeyo arrimaha suuqa ee Fabrizio Romano, Manchester ayaa iska diiday inay la wareegto sagaal ciyaartoy oo miiska loosoo saaray.

Xiddigahaas ayuu kamid yahay Memphis Depay oo hore 18 bilood ugu soo qaatay Old Trafford, inuu tababare Erik Ten Hag ku adkaystay saxeexa Antony oo uu hore Ajax ugula soo shaqeeyay ayaa meesha ka saaray fursada saxeexa Depay.

Garabka Chelsea ee Christian Pulisic ayaa ahaa magac kale oo Ten Hag loosoo bandhigay kaddib markii xiddiga Maraykanka ahi hoos uga dhacay xulashada tababarihii hore ee Thomas Tuchel.

Manchester United ayaa sidoo kale loosoo bandhigay saxeexyada Leandro Paredes oo ugu dambayn Juventus ku biiray kana tagay PSG iyo Sergino Dest oo ka hayaamay Barcelona amaahna ugu wareegay AC Milan.

Yannick Carrasco oo Atletico Madrid garab weerar uga ciyaara iyo Weston McKennie oo khadka dhexe ee Juventus ah ayaa ahaa xiddigo kale oo Red Devils lasoo hordhigay.

Xiddigaha kale ayaa kala ah Thomas Meunier (Borssia Dortmund), Moises Caicedo (Brighton) iyo Hirving Lozano (Napoli).

Leave a Reply